Ururka Alshabaab oo Toogasho ku Dilay Sarkaal sarenoo Ka Tirsan Ciidamada Kenya

Muqdisho (OWN) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya  ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilka oo ay fuliyeen rag hubeysan uu ka dhacay deegaanka Caliyaale ee hoostaga Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen sarkaalkaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

 

 

Magaca sarkaalka la dilay ayaa  sheegay Cabdi Nuur Cumar, kaas oo dhowaan madax looga dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ka howl-gala halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay shaacisay in dagaayahano ka tirsan kuweeda ay fuliyeen toogashadaasi.

 

 

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha ciidamada Booliiska dowladda Kenya oo ku aadan dilkaasi.

 

 

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ka fuliya deegaano ku yaalla xadka ay wadaagaan dalal Soomaaliya & Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker