Halista kasoo Fool leh Wershada Qashinka qoyan ee Hargeysa.

Qaabka loo safeeyo qashinka qoyan

Waxaa lamariyaa shan derejo oo safayn ah oo kala ah sidan soo socota wixii intaa kasoo hadha waxy halis kutahay deegaanka ku xeeran cafimaadkooda,waa in meesha lagu safaynayaa ugu yaraan 10 km kabaxsanaataa magaalada.

Sidaa markaan idin leeyahay waxaan aqoonteeda leeyahay oon wax badan kaqayb qaatay dhismaha dhismayaashan qalabka lagu safeeyo Qashinka qoyan

1:.Rechengebäude ( meesha lagu reebo waxyaalaha adag dhagxaanta,looxyada biraha iyo wixii culus ee tuubooyinka xidhaya.2:berkeda labaad waxaa lagu reebaa ciida.3:Berkeda sadexaad waxay reebtaa wasakhda iyo adkaha heehaaba ee kasoo gudbay berkedihii hore oo mudo saacado ah lagu hayaa si walxahaasi gunta ufadhiistaan oo markaa qalab loogu tala galay hoosta uga xaadho.4:berkeda afraad waxa soo gaadha biyihii oo rubuc ahaan lasifeeyey,berkedaas oo lagu beeray bilyanis bakteeriya ah oo quudkoodu yahay wasakhada iyo saxarada,berkedaas iyada ah waxaa hoosta lagaga furaa oksajiin iyo hawooyin kale oo isku dhafan berkeda dhexdeedana waxaa kujira mashiin biyaha wasakhaysan walaaqaya waxa

loo yaqaan (Belebungsbecken).

5:berkeda shanaad waxaa layidhaa sii nadiifin gaar ah halkaa waxaa lagu reebaa dhoobadii kasoo hadhay iyo bakteeriyadii kunoolayd labadoodaba,wixii berkadaa gunteeda kusoo hadha ee huubo ah waxaa dib loogu celiyaa berkadii afraad ee aynu kasoo gudubney si marlabaad proces cusub loo soo mariyo.wixii kagudbay berkada shanaad 5:waxaa loo talaabiyaa haamo waaweyn oo sida beedka usamaysan oo  loo yaqaan (V-Behälter)Taanigiga qudhunka,taangiyadaas oo mishiino walaaqayaan heerkulkoodana lagaadhsiiyo 35 degree mudo 25 maalmood ah,halkaa waxaa iyana kahawlgala bakteeriya kale oo wixii wasakh biyahaa kusii hadhay kunooloo cunta taangiga xagiisa sare waxaa ku rakiban tuumbooyin halkaasoo ay kor uga baxayaan naqasyo boqolkiiba 70 yihiin hawada loo yaqaan Metan,kadibna sigaara loo saaro hawada metanka oo dab laga dhaliyo dib loogu celiyo dhamaan mishiinadii kahawl gelayey berkadihii aynu soo dhaafnay oo Elekteric ahaan loo isticmaalayo.Biyaha kuhadhay taangiyadaas biyihii ku hadhay waxaa lagusii daayaa berkada u dambaysa oo ay kujiraan kaluuno aad ugu nugul xanuunka halkaasoo mudo maalmo ahay halkaa kujiraan ,marka lahubsado in biyahaasi nadiif yihiin ayaa lagusii daayaa webiyada ama dooxyada.

Fiiro Gaar ah: Biyahan looma isticmaalo haba yaraatee cabitaan laakiin beero waa lagu waraabin karaa.Waxaan halkan uga socdaa marka la leeyahay mashruuca biya balaadhinta hargeysa mawaxay rabaan inta lakala yara miiro in dadka looga dhigo biyo lacabi karo.taasi waa halis iyo badheedh cad oo larabo in dadka lagu rido xanuuno aan dawo lahayn.

Waxaan kadigayaa in inaan wershadaas uu maayirku sheegay in laga dhisayo bariga Hargeysa marnaba la aqbalin.

Hersi osman

Master degree holder of water ingineerung mineral resources and natural Gases.

Frankfurt am main

Germany

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker