Doorashada Ku celiska ah ee Magaalada Istanbuul ee Caasimadda Dalka Turkiga oo Si habsami leh u Socota
Dadka ku nool magaalada Istanbul ee Caasimadda dalka Turkiga, ayaa maanta mar kale dib ugu laabtay goobaha codbixinta, doorashada ku celiska ah ee duqa magaalada, kaddib marki uu guddiga doorashadu wax kama jiraan kasoo qaaday doorashadi dhacday 31-ki Maarso.
Doorashadii magaalada Istanbul ka dhacday saddex bil ka hor, ayaa waxaa tiro aanan sidaasi u badneyn ku Guulaystay musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu. Waxaanuu ka guuleystay musharraxa Xisbiga talada haya ee AKP. EE Ra’isulwasaarihi hore Binali Yildirim.
Magaalada Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga sidoo kalana ah Caasimadda ganacsiga, ayaa shacabkeeda oo lagu qiyaaso 16 milyan waxay saakay safaf u galeen goobaha cod bixinta saacaddu marki ay aheyd siddeedii subaxnimo, waxaana la filayaa in doorashada ay xidhanto galabta shanta xilliga Istanbul.
Musharraxa xisbiga mucaaradka Imamoglu, ayaa isaga oo wariyaasha la hadlyay waxyar kaddib marki uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu guddoomiyaha kasoo noqday ee Beylikdüzü sheegay, in maanta ay shacabta Istanbul qaadan doonaan go’aanka ugu wanaagsan.
Madaxweyne Erdogan ayaa isna marki uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu Istanbul ka degan yahay ee Üskudar, mar kale ku celiyay in doorashadii hore la musuq maasuqay, balse uu rajeynayo in qaladaadki dhacay aysan soo laaban mar kale.
Caawa ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo natiijada hordhaca ah, marka lasoo gaba gabeeyo tirinta codadka dhammaan 39-ka degmo ee ay ka koobantahay magaalada.






