Gantaal uu riday Ruushka oo 7 qof ku dilay Ukraine

Todobo qof oo ay ku jirto gabar lix jir ah ayaa ku dhintay gantaal uu Ruushku soo riday oo ku dhacay tiyaatarka magaalada Chernihiv ee waqooyiga Ukraine subaxnimadii Sabtida, sida saraakiil dawladda Ukraine ka tirsan ay sheegeen.

15 carruur ah ayaa ka mid ahaa 144 qof oo ku dhaawacmay duqeynta, sida ay booliisku sheegeen. Ugu yaraan 25 qof ayaa isbitaalka la jiifiyay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa dad kaniisadda ugu damaashaadayay fasaxa Masiixiyiinta ee Ortodokska.

Fagaare weyn iyo dhismo jaamacadeed ayaa sidoo kale waxyeello kasoo gaartay weerarka.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay “wax xun”, halka madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu wacad ku maray in askarta Ukraine ay jawaab adag ka bixin doonaan “weerarka argagixiso”.

Chernihiv waa magaalo ku taala meel 50km koonfur ka xigta xudduudda Ukraine ay la leedahay Belarus, Waxaana billihii ugu dambeeyay go’doomiyay ciidamada Ruushka ee duullaanka baaxadda leh ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

Tiyaatarka ayaa waxaa ka socday kulan ay isugu yimaadeen shirkaddaha sameeya diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, sida uu BBC-da u sheegay ku-simaha duqa magaalada Chernihiv.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker