Turkiga Oo Ka Dalbaday dalka Shiinaha Inay Xidhaan Xerooyinka Lagu Hayo Muslimiinta

Dowladda Turkiga ayaa aad u cambaareeysay hanjabadda iyo cabsida Shiinuhu ku haayo dadka muslimiinta ah ee qabiilka Wiguuru (Uighur), taas oo la tilmaamay in ay ceeb ku tahay xagga bini aadanimada.

 

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaa dibadda ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy. ayaa maalintii shalay sheegay in si aan sharci aheyn xerooyin gaar ah loogu hayo dad ka badan Malyan.

 

Madaxda Turkiga waxa ay ku baaqeen in Shiinaha ay joojiyaan jirdilka iyo xasuuqa dadka muslimiinta ah, isla markaana xidhaan xerooyinka lagu hayo dadka laga tiro badan yahay ee Wiguuru.

 

Muslimiinta Wiguuru waxaa la tilmaamay in ay soo wajaheen ama ay heystaan cadaadis la mid ah kan ka jira Galbeedka dalka Shinaha.

 

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa goor hore ku eedeeyay Shiinaha in ay dadka Wiguuru ku hayaan xasuuq, inkasta oo uu weli jiro xidhiidh  ka dhexeeya labadaasi dal oo khuseeya shaqaalaha iyo xagga siyaasadda.

 

Gobolka Xinjiang waxa uu hooy u yahay dad gaadhaya 10-milyan oo muslimiin ah, kuwaas oo ka dhigan 45% dadka halkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker