“Doorashadu waa waddada kaliya ee aynu ku heli karno aqoonsi ..” Waxa qoray Madaxwaynihii horre ee JSL Daahir Riyaale Kaahin.

Waxa qoray Madaxwaynihii horre ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

Nabad-galyadu waa midhaha ugu mihiimsan ee la soo noqoshada xoriyadu inoo dhashay, Somaliland halkaa waxay ku soo gaadhay isku tanaasul, iyo in si kasta oo loo kala aragti duwan yahay hadana lays qanciyo.
Xukuumada waxa saaran masuuliyad haday wax khaldamaan masuuliyada koowaad iyadaa qaadaysa hadii ay wax sax maana amaanta koowaad iyadaa leh markaa waa in ay door xukuumadeed oo masuuliyadi ku dheehan tahay qaataan.

Doorashadu waa waddada kaliya ee aynu ku heli karno aqoonsi, iyo amaan aynu ka helno caalamka dimuqraadiyada ku faana hadii aynu qaban wayno ama ay dib inooga dhacaan iyada oo aan cudur daar jirin(Justification) waxay wax yeeli kartaa amaankeena, Dimuqraadiyadeena iyo mustaqbalkeena danbe.
Mucaaradku marwal ba waxa uu u taagan yahay toosinta xukuumada iyo ku kor joogtaynta in ay sidii saxda ahayd wax u waddo, waad wada ogtihiin sidii kulmiye waagii ay mucaaradka ahaayeen aniga iyo xukuumadayda u dhaliili jireen dhaliishu waa toosin ee ha joogteeyeen.

Happy 18 May dhamaan Somaliland.
Madaxwaynihii hore ee Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker