Raiisul wasaaraha Cusub Ee Somalia.oo Berri Hor tegi doona Baarlamaanka

Muqdisho (OWN) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya,

 

si ay u siiyaan codka kalsoonida ah, una guda galo wajibaadka loo igmaday.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay  Oodwaynenews  in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu beri horgeyn doono Golaha Shacabka Ra’iisil wasaarihiisa cusub, waxaana Ajendaha uu yahay kalsooni siinta wasiirka koowaad ee xukuumadda.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka ka codsan doono inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee haatan magacaaban saddexda cisho.

 

Maxamed Xuseen Rooble oo xalay farriintiisii ugu horresay soo duubay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dalbaday inay codka siiyaan, si uu uguda gali shaqada hor taalla.

 

Sidoo kale wuxuu xalay la kulmay guddoonka Golahaasi, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka, qorshaha doorashada, wada-shaqeynta xeer dejinta iyo fulinta.

 

Rooble waa Raa’iisul wasaarihii labaad ee uu magacaabayo Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii la riday Mudane Xasan Cali Khayre.

 

Ra’ii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker