Kumanaan Neef Oo Laga Dhoofiyay Dekedda Kismaayo

Ku dhowaad saddex kun oo neef oo Lo’ ah ayaa maanta laga dhoofiyey Dekedda magaalada Kismaayo, taasi oo laga kala keenay deegaanada Jubbaland islamarkaana baaritaan caafimaad ku martay maxjarka magaalada xoolaha ee magaalada Kismaayo, waxaana lo’daan loo iibgaynayaa dalka Yemen.

 

Ganacstada magaalada Kismaayo oo kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ayaa dedaal ugu jira suuqgeynta xoolaha nool ee Jubbaland, taasi oo muhiin u ah sare u kaca dhaqaalaha Jubbaland islamarkaana kor u qaadeysa ka faa’iidaysiga wax-soo saarka dalka oo ay xoolaha nool kamid yihiin.

 

Xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo ayaa Sanadyadii ugu dambeeyay waxaa soo wajahay dhibaatooyin badan ka dib markii ay diideen qaar ka mid ah dalalka Carabta oo inta badan loo suuq geyn jiray Xoolaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker