Magaaladda BURCO oo Laga Tukaday Salaadda Ciidal Fidriga.

Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo kuwa degmada Burco iyo masuuliyiinta kale  ayaa saaka dadweynaha degmadaas kala qaybgalay salaadii ciidal fidriga garoonka kubada cagta ee Alamsey.

 

Waxa dadweynaha halkaas kala hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) waxaanay guud ahaan shacabka gobolkaas ugu hambalyeeyeen munaasibada ciidal fidriga, iyagoo u soo jeediyay inay ilaaliyaan ammaanka iyo xasiloonida, taas oo keentay in ay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku wajahan  maalinta ciida.

 

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi, oo dadweynaha halkaas kala hadlay ayaa bulshda gobolkaas ku hambalyeeyay munaasibada Ciidda,  sidoo kale gudoomiyaha hay’adda waddooyinku wuxuu  sheegay in ay  si deg-dega u bilaabi doonaan qorshe wax lagaga qabanayo biyaha daadadka oo mararka ay roobabku da’aan magaalada ku soo jaba, dhibaatooyinna u geysta. Halkan hoose ka daawo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker