Fanaan Cabdi Dhaanto Oo Lagu Xidhay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu xidhay Fannaanka Cabdi Dhaanto, oo ka mid ah Fannaaniinta degan magaaladaasi.

Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa waxay fannaanka xalay ka soo qabteen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

 

 

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa si hoose warbaahinta gudaha ugu sheegay inay xabsiga soo dhigeen Cabdi Dhaanto.

Wararka ayaa sheegaya in fannaanka lagu haysto muuqaal uu maalmo ka hor barraha bulshada soo geliyay.

 

kaasoo uu ku sheegaayay fannaankii kale ee Hay’adda NISA soo xidhay in lagu khasbay inuu sheegto in uu ka tirsan yahay Al Shabaab.

Hadalhayn badan ayaa ka dhalatay muuqaalkii uu Abshir Gaarane ka soo muuqday toddobaadkii hore, kuna qirtay xubinimadiisa Ururka Al Shabaab.

Cabdi Dhaanto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker