Nin ka soo horjeeda Islaamka oo ku guuleystay doorashada Holland

Rugcadaaga caanka ku ah ka soo horjeedka islaamka, Geert Wilders, ayaa ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday Holland, iyadoo la tiriyay ku dhowaad dhamaan codadkii laga dhiibtay doorashada.

Xisbigiisa PVV ayaa lagu wadaa inay ku guuleystaan 37 kursi. Guushiisa ayaa gilgilay siyaasiinta Holland, waxaana la sheegayaa in sidoo kale ay ka yaabin doonto guud ahaan waddamada Yurub.

Wilders ayaa u sheegay taageerayaashiisa oo aad u faraxsan in xisbigu uu ka shaqayn doono sidii loo soo afjari lahaa waxa uu ugu yeeray “Sunaamiga magangalyodoonka iyo socdaalka” ee ka taagan dalkiisa Holland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker