Sacuudiga iyo Qadar oo war ka soo saaray dagaalka Sudan
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa hadda soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay rabshadaha sii kordhaya ee magaalada Khartoum.
Sacuudiga ayaa ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay wadahadalaan ,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sidoo kale muujisay sida ay u doonayso dhammaan dhinacyada Suudaan inay wadahadlaan iyo in hanaan nabadeed looga gudbo khilaafaadka.