Nuxurka Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta Iyo Arimaha Lagu Lafo-Guray.

Hargeysa:-(OWN)-Kal-fadhigii 19-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee golaha wasiirradu ku leeyahay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey xeerar iyo siyaasado horumarka qaranka faa’iido weyn u leh.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor


Kal-fadhigan oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si gaar ah loogaga dooday xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee deegaanka, taas oo mudnaan gaar ah siinaysa ilaalinta deegaanka oo lagama maar-maan u ah nolol-wanaagga bulshada, isla markaana si qumman u sharraxaya habsami-u-adeegsiga iyo daryeelka khayraadka dabiiciga ah.
Siyaasadda qaran ee deegaanka, ayaa ah mid hoosta ka xarriiqaysa ka go’naanshaha aragtida horumarineed, iyada oo lala kaashanayo bulshada oo idil, loona maamulayo si wax ku ool ah deegaanka oo tiir-dhexaad u ah horumarka iyo isku fillaanshaha mustaqbal ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hiigsanayo.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and table

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker