Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeyay dilka dad rayad ah

Shacabka iyo ururada mucaaradka ah ayaa ku eedeyay ciidamada dowladda Itoobiya ee gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia, dilka dad rayad ah xilli meleeshiyaad deegaanka ah ay ciidamadu kula dagaallamayaan gobolka Amxaarada.

Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoysaska dhibanayaasha ee gobolka Oromada ee galbeedka Shoa oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in afar qof oo isku qoys ah ay ciidamada dowladdu dileen.

BBC-da ayaa isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso maamulka gobolka hase-yeeshee nooma suurta galin in aan jawaab ka helno.

Kooxda hubaysan ee Oromo Liberation Army (OLA) ayaa dhaqdhaqaaqooda ugu badan ka wada deegaanka, balse sida uu sheegay Araarsa Yadesa, hal dhacdo ayaa lagu dilay afar qof oo qoyskiisa ah iyo sidoo kale laba ka mid ah shaqaalaha beeralayda ee tuuladiisa, wax dagaal ahna ma dhicin xilligaas.

Sidoo kale, mid ka mid ah ardayda jaamacadaha ayaa sheegay in isaga iyo saddex dhallinyaro ah ay ciidamadu ka kaxeysteen tuuladii ay ku noolaayeen, isla markaana isaga keliya uu ka badbaaday kaddib markii ay ciidamadu rasaas ku fureen.

Laba xisbi oo mucaarad ah oo kala ah OLF iyo OF, ayaa dowladda ku eedeeyay dil, xarig ballaaran iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Galbeedka Shoa. Kooxuhu waxay sheegeen in tirada dhimashadu ay tahay 11 qof.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xilli xukuumadu ay wajaheyso mucaaradad xoogan oo kaga imaaneysa maleeshiyaad hubaysan oo ku sugan gobolka labaad ee ugu wayn dalka Itoobiya ee Amxaarada, iyadoo ay caadi ku soo laabanayso xaaladda magaalooyinka waaweyn kadib iska horimaadyo culus oo dhacay todobaadkii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker