Dawladda Sacuudiga oo xulufo u raadsanaya Awooda ballaadhan ee Iiraan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero ka raadin doonto saddex shir madaxeed oo Khamiista maanta ah magaalada barakeysan ee Maka uga billaaban doona hogaamiyaasha Carabta iyo dhamaan madaxda dalalka Islaamka, kuwaasoo uu Sacuudiga xoogga kusaari doono wax uu ku tilmaamay halis uga soo socoto Iran.

Ka hor inta aysan shirarkaasi ka billaaban magaalada Maka, ayay Riyad si kulul ugu eedeysay Tehran in ay faragelin ku heyso arrimaha gobolka, loona baahanyahay in meel adag la iska taago weerar ay sheegtay in ay Iran ku qaadday maraakiib shidaal oo ay leedahay Sacuudiga iyo xarumo laga soo saaro shidaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Ibrahim al-Assaf ayaa sheegay in taageerada ay Iran taageerto ururka Xuutiyiinta Yemen ay tusaale cad u tahay faragelinta ay Iran ku heyso gobolka Bariga Dhexe. Dalalka Islaamka ayuu ugu baaqay in ay qaaddacaan Iran.

Hadalkaan ayuu ka sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay shir ay magaalada Jidda ee galbeedka Sacuudiga ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dhamaan 57-da dal ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Iran ayaa dhankeeda waxaa shirkan uga qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo madaxa waaxda arrimaha nabadda iyo amaanka Reza Najafi.

Dhanka kalana, Qatar ayaa shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee maanta ka dhacaya magaalada Makka u dirtay Ra’isulwasaare Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Waxay noqoneysa marki ugu horreysay oo uu sarkaal sare oo ka socda Qatar si fool-ka-fool ah u hor fariisto madaxda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, tan iyo marki ay dalalkaasi go’doomiyeen muddo iminka laga joogo laba sannadood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker