Faylka Kaydsan Ee Shiinaha Iyo Madaxbanaanida Somaliland

Martin Plaut waa barre ka dhiga Jaamacadda ( London University ) waxana uu baraa barash

ada machadka daraasadaha ( Common  Wealth Studies ),hore waxa uu u ahaa tifatiraha ( BBC World Service ) waxana uu ahaa saaxiibka Nelson Mandela.Martin Plaut waa khubarada sida weyn looga waraysto siyaasadda qaaradda Afrika.—–

 

Ka dib warqadii kasoo baxday Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somalia,taas oo diidmo ka muujisay heshiiska Taiwan iyo Somaliland ayaa Martin Plaut oo ku sugan Johannesburg halkaas oo uu wakhtigan deganyahay ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose:

 

” Waxa xaqiiqdii haboon oo ay u baahantay Soomaaliya in ay aqbasho in Somaliland ay helayso  madaxbanaanideeda,maxaa yeelay waxay u badantahay in Somaliland loo aqoonsado wadan madaxbanaan,waraaqahan ay Soomaaliya ku dhaliilayso xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland  waxa ay noqonaysaa barmadoow oo ku taala Soomaaliya marka la aqoonsado Somaliland”.

 

Hadalka Martin Plaut ayaa ah mid miisaan culus  leh sida uu sheegay John Rosenburg oo ah falanqeeye wax ka qora arimaha Afrika oo degan magaalada Washington.

 

Martin Plaut ayaa waxa kale oo uu sheegay in wafdiga Shiinaha ee yimid Hargeisa bishan August aanay qabanin shir jaraa’id ( Press Conference ) ayna Shiinuhu iska ilaaliyeen in ay faalooyin cadaawad ku dheehantahay ay ka bixiyaan ka dib safiiradii ay is weydaarsadeen Somaliland iyo Taiwan,halka Soomaaliya ay cambaarayn aan loo fiirsan ay usoo jeediyeen Taiwan.

 

“Dacwadda Soomaaliya ay ka qabto xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland waa mid isla Somalia ay ka soo gaadhayaan waxyeelo ,maadaama Taiwan ay tahay mid ka mid ah  saaxiibada reer galbeedka iyo Maraykanka” ayaa uu yidhi Martin Plaut.

 

Martin Plaut ayaa waxa kale oo uu sheegay in Shiinaha uu iska ilaaliyey in uu u hanjabo ama uu dhaleeceeyo Somaliland,laakiin uu warbixin yar oo kaliya uu ku sheegay in aanu raali ka ahayn xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

 

In Shiinaha uu iska ilaaliyo in uu dhaleeceeyo Somaliland si toos ah ayaa uu ku sheegay Plaut in ay tahay in Shiinaha uu heshiis kula gaadhay Somaliland in uu qayb ka noqdo wadamada doonaya in aanay ka maqnaanin saaxadda istiraatiijiyadda Somaliland.

 

” In Shiinaha uu dhaleeceeyo Somaliland si la mid ah sida ay u dhaqmeen Somalia waxa ay keenaysaa in ay sii kala fogaadaan Somaliland iyo Shiinaha taas oo aanay doonayn Jamhuuri

yadda Dadka ee Shiinaha”- ayaa uu yidhi Plaut.

 

Sidoo kale Martin Plaut ayaa sheegay in Shiinaha uu ka mid ahaa wadamada aqoonsa

day Somaliland 26June 1960.

 

Plaut says” Somalia really needs to accept that its probably only a matter of time before Somaliland is recognized as an independent state”.

 

Note: Warbixintan asalkeeda waxa qoray Martin Plaut oo jooga Johannesburg,South Africa.

 

Note: Warqadda hoose waa fileka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha uu ku aqoonsaday Somaliland ka dib markii ay Somaliland xoriyadeeda ka heshay Ingariiska dabayaaqadii June 1960.

Published by: Martin Plaut

 

Translation by: Ahmed Adam

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker