Wasiirrada Caddaaladda Somaliland iyo Waxbarashada Puntland Oo Gudaha Magaalada Badhan Ee Sanaag-bari Kusugan

 

 

Ceerigaabo(OWN) Magaalada Badhan ee Sanaag-bari ayaa waxa gudeheeda caawa ku wada hoydey Wasiirka Caddaaladda Somaliland C/risaaq Cali Hayaan iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan

 

Labadan Wasiir ayaa sida lasheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland  oo habeennimadii xalayto ku hoydey magaalada Badhan wuxu deggan yahay Hotel Alley halka Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo isaguna maalinnimadii maanta galay magaalada Badhan uu deggan yahay Hotel Sanaag.

 

Labadan wasiir ayaa lasheegayaa in bulshada degaankaasi mid kastaba ay soo dhoweeyeen wax iska hor imaad iyo dhibaato ahina aany dhexdooda ka iman, waxana wararku intaas kusii darayaan in labadan wasiir mid kastaba dhiniciisa ay uga socdaan kulannada uu la yeelanayo bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

Waxana Wasiirka wararku intaas kusii darayaan in Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo habeenkii xalayto ku hoydey magaalada Ceelnuh ay halkaas ku kulmeen Suldaanka guud ee degaankaas Suld-Siciid Sild-C/Salaan islamarkaasna wasiirku u sheegay suldaanka inuu kusii jeedo magaalada Badhan islamarkaasna suldaanku talo ugusoo jeediyey inaanay xilligan u habboonayn inuu halkaas gaadho, haseyeeshee taladaasi aanay ka suurto gelin in wasiirku qaato, sidaasna uu kutegey halkaas.

 

Dhinaca kalena Magaalada Badhan oo dhinaca Somaliland ugu magcaaban magaala-madaxda gobolka Badhan ayaa dhinaca Puntland-na waxay ugu magcaaban tahay Magaala-madaxd gobolka Sanaag, labada dhinacna (Somaliland iyo Puntland) mid kastaba waxa u jooga mas’uuliyiinta maammulka ee gobolka iyo degmadaba ugu magcaaban iyo weliba ciidammada kala duwan ee halkaas uga hawlgala, waxana muddooyinkan danbe xagga bulshada ama siyaasadda iyo waxqabadkaba degaankaas ku saamayn badan Maammulka Puntland.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker