Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo qorshaha Trump ee socdaalka oo hadheeyay Mareykanka

Kumanaan qof ayaa ku biiray dibedbaxyo hadheeyay marykanka oo lagaga soo horjeedo go’aanka maamulka Trump ee ka dhanka ah qorshaha socdaalka.

sawir hore

In kabadan 630 munaansabadood oo ay barbar socdaan mudaaharaadyo lagaga soo horjeeda qoysaska la kala qeybiyay ee ku sugan xadka Mareykanka.

Ilaa 2,000 oo caruur ah ayaa laga go’doomiyay waalidiintooda, walaac badan ayaa laga muujiyay arrintaasi.

Dibedbaxyada ugu badan ayaa waxaa ay ka dheceen Washington DC, New York, iyo magaalooyin kale.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay boodhar ay ku qoranyihiin ma ogolaaneyno qoysas dambe oo la kala qeeybinayo, waana in meesha laga saaraa, hay’adda muranka badan dhalisay ee qaabilsan socdaalka ee ICE.

Waddanka ayaa aad ugu kala qeybsamay qorshahaan socdaalka, madaxweynahana ayaa maalintii sabtiddi ahayd hadal uu ku soo qoray bartiisa twitter-ka ayaa sii huriyay doodaddda socdaalka.

“Qorshahaan wax kasta ayuu ka soo horjeedaa waa in aan hal dhinac ka istaagnaa dhamaantaya oo aan ka soo horjeesanaa”, ayuu yidhi Paula Flores-Marques, oo 27 sano jir ah oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.

Magaalada New York, dibedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid aahaayeen, “halkaan waa laga soo dhaweynayaa qaxootiga”.

Cource: BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker