Cabdoo Qalad Xisaabkii Qarniga Oo Soo Baxay
Caqliga quman ayaa ina faraya in fadhi iyo fuud yicibeed aan la isku helin, dadaalaa xaaii cabaasna wuu gaadhaa oo dhaafaa, waxa la yidhi waxa jiri jirey nin la odhan jirey Cabdi oo ku noolaa wadanka Sucuudiga waxay ahayd wakhtigii nolosha sucuudigu iska liidatay ninkii gaajo xun ayaa haleeshay wuxuu sidii ahaadaba waxay is barteen islaan cimri ahaan aad u weyn laakiin lacag badan haysata oo afrikaan ah, ninkii si uu uga baxo noloshan adag wuxuu hindisay in uu islaantaas guursado si dhaxalkeeda uu wax uga helo, nasiib daro islaantii wuu guursaday laakiin way dhimanba weyday , cajaaib!!!! Ninkii waxa loo bixiyey CABDOO QALAD XISAAB. Kkk.
Sheekadan waxa ka dhigan maareeyaha ka arrimiya madbacada qaranka waxay ahayd dhawaan uun markii uu ceel afweyn busaaradu ku haysay, bilaa camalka ku ahaa wuxuu fahmay qalad wuxuu u qaatay in mansabku yahay meel laga taajiro durtadiiba wuxuu isu geystay xisaabo aynaan shaqo iyo shuqul toona ku lahayn. Malaga yaabaa in sidii ninkii sucuudiga ku busaaradsanaa uu noqdo CABDOO QALAD XISAAB LABAAD.
Hankaaga kor u qaad ka kor musuqa iyo maasuqa masaakiinta shaqaalaha ah dhididkoodu yuu kuu macaanaaan, malab yuusan kuu noqon. Hortaa jiraba ku khasaar, oday qaranka ha curdin dhaadhin.
Ha badhi furin hayaanka, yey kaa qaldamin dawladu maaha meel faaido laga raadiyo, waa meel maxasta iyo maxaysatada looga miciino, waa meel riyooyinka mujtamaca laga rumeeyo, horaa loo yidhi โDhereg feedho ma dhaafoโ
Qofba wuxuu dhitaystaa
Dhaxalkiis ahaadoo
Dhibi kama maqnaatee
Sow musuq umaan dhicin
Dhiil hadimo kuma shu’ban
Haddaan dhuuni raac ahay
Dheg xumaanta nololeed,
Dhimashada xalaaleed
Sow iima dhaanteen?
Dhereg maxaan ku falayaa?
Dharku muxuu i tarayaa?
Dhaldhalaalka beenti’
Muxuu iiga dhigan yahay?
WXQ: Hinda Yusuf Said
Social Activist
Hindaawi@gmail.com