Halkan Dalxiis Ayaan Ku Jooga!

Nin Maraykan aya tuulo ka mid ah dalka Turkiga u dalxiis tegay ,waxaana uu tuuladaasi dadkii degenaa weydiiyay ninka u caqliga badan tuuladan inay u tusaan.

Waxay u geeyeen nin caabud ah oo guri yar ku jira , kaasi oo ay u yaaleen kutub iyo gogoshii uu ku seexanayay oo keliya.

Ninkii Maraykanka ahaa oo yaaban ayaa ku yidhi “ Oo meeday alaabtii guriga ku taalay “?

Caabudkii ayaa ku yidhi oo adiga taadii meeday ? Ninkii dalxiiska ahaa ayaa ku jawaabay anigu waxaan halkan ku joogaa dalxiis, waxaan ka imi dalka  Maraykanka oo aan u dhashay alaabtaydiina halkaas ayay taalla..

Ninkii Caabudka ahaa ay ku yidhi “ Aniguna sidaada oo kale ayaan ahay halkan dalxiis ku jooga “. Ninkii Maraykanka ah oo yaaban oo aan weli jawaabin ayuu haddana raaciyay “ Miskiin Banii’adam waa dalxiisaha dunidan oo wakhti yar joogaya, hadana wuu isku mashquulinayaa, oo wahktigiisa badankiisa ku bixiniya”” Marka alaabtaydii waa cabsida Allah (sw) ee  aan iga haydhayn markaan hoygagii runta ahaa gaadho.ee halkan ku haysto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker