Hadaan Dollar helayo dib u tagi maayo Madarasad “Malcaamad”

Waxa aad u soo batay cabashooyinka ka imanaya raadkii uu ka tagay gumaystihii ingiriisku ee uu kaga soo horjeeday macalimiinta iyo madarasadaha lagu barto qur’aanka kariimka ah ee kor loogu qaadayo kalaamka illaahay(SWT) taasoo uu gumaystuhu u arkayey inay ka fikir iyo diin duwan yihiin isla markaana ay ka hor imanayaan danihiisa.

Hadaba maanta oo ay ka soo wareegtay muddo ku dhow 60 sanno markii aynu madaxbanaanida ka qaadanay gumaystihii ingiriiska waxa aad loo horumariyey fikirkii gumaystaha oo loo sameeyay hay’ado(NGO’s) xambaarsan in aqoonta maadiga laga horumariyo ta diiniga ah si ay meesha ugu baxdo barashada,fahanka iyo ku dhaqanka diinta islaamka iyagoo ku hoos dhuumanaya inay bulshada ka badbaadinayan jahliga ayna ka haqabtirayaan baahiyaha asaasiga ah(Basic   needska).waxay dhaqaajiyeen oo daah ka dhigteen fikirka ay ula baxeen “Bulshada Somaliland waa inay noqotaa Bulsho 100%waxna qori karta waxna akhriyi karta.

lixdii gobol ee waawaynaa iyo kuwii xukuumada siilaanyo magacowday waxa ka howl gala oo ka dhisay ilaa hadana wadaa dhismaha iskuulada lagu barto aqoonta maadiga hay’adaha samafalka waxayna gabi ahaanba meeshii ka saareen dugsiyadii qur’aanka.baahida diineed ee meeshaa ka soo baxday waa ta sababtay in la daba fadhiisto oo la baryo bulshada caalamka ama siadynu u naqaano deeqbixiyaasha(donors),waa ta sababtay inay dalka ka dhacaan abaaro ba’an oo baahsan kuwaasoo saamayn ba’an ku yeeshay dad iyo xoolaba,waa ta sababtay in dhaqano cusub oo diinta islaamka aan waafaqsanayn ay ka soo if baxaan bulshada,waa ta sababtay in talaabo kasta oo horumara uu ka soo horjeesto qof aan la dhacsanyn talaabadan ama dano kale ka leh sababtoo dimuuqraadiyada(democracy)la inoo min guuriyey ayaa dabeecada leh oo waxaynu ka tagnay oo iska ilownay ku dhaqankii shareecada islaamka,Subxaana laah!

Hadaba waxaan ka qayb galay oo iigu dhaliyey dareenka munaasabad lagu abaal marinayey macalimiinta xaafidul qur’aanka ah ee magaalada Hargaysa oo uu nin oday ahi ka yidhi”waxaan la kulmay macalin xaafidul qur’aan ah wuxuu ii sheegay inuu soo maray 60 tuulo oo macalimiintii qur’aanka dhigaysay  la siinayo Dollar hadii ay u soo wareegaan oo macalimiin ka noqdaan iskuulada lagu barto cilmiga maadiga ah ka dibna macalimiinta intoodii badnayd ay aqbaleen qof qofkii soo hadhayna markii ardaydii lagala wareegay ee la siiyey shandado iyo buugaag ay ugu dambayntii aqbaleen maadaama meel kaloo ardayda ahayn oo ay wax ka helaan aanay jirin.

Hadaba waxa wax aad looga damqado ah in dadaal intaa le’eg ay haya’duhu ku bixiyaan sidii loo baabi’in lahaa madarasadaha quraanka kariimka lagu barto maadaama qur’aanku yahay marjaca islaamka .

Ma waxaynu awoodi waynay inaynu noolayno qur’aanka kariimka ah oo taakulaynu macalimiintaa ku foogan noolaynta kitaabka Alle(SWT) ee laga wareeray ardaydii ay ka helayeen waxay ku noolaadaan ama guno yar.

Hadii aynaan ka damqanayn oo aynaan ka dareen celinayn dagaalka xeeladaysan ee lagu dabar jarayo diinta islaamka islaamnimadeena iyo iimaankeena waxbaa ka dhiman.

SOO JEEDIN

-waxaan u soo jeedin lahaa xukuumada,shacabka ,culimada,ganacsatada iyo guud ahaan umadda ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland in meel looga soo wada jeesto sidii loo noolayn lahaa kallaamka illaahay(SWT) oo dhaqaale,miisaaniyad ama sanduuq gaar ah loogu samayn lahaa macalimiinta lagula dagaalamayo mushaharka oo loogu dhamaystiri lahaa baahiyahooda aasaasiga ah maadaama xil dhamaanteen inaga saaran yahay diinta

-waxa kaleoowasaarada diinta iyo waqaafta  laga rabaa inay keento xog dhamaystiran oo ku saabsan tirokoobka tuulooyinka leh madarasad qur’aan,kuwa aan lahayn iyo qorshaha maaliyadeed ee macalimiinta loogu talo galay oo dhamaystiran

-waxa kale oo laga rabaa xukuumada inay dabo gal ku samayso haya’adaha ku hawlan hawshaa oo ay ka qaado talaabo sharciga waafaqsan

 

Waa bilaahi towfiiq

 

Mukhtar Xasan Axmed

Mukhtarxassan4@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker