Daawo: Soomaaliya oo diiday qoraal kasoo baxay ICRC iyo SRCS

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay war ku aadan weerarkii Sabtidii ka dhacay Ex-Control Afgooye 28-kii December.

 

Oo kasoo baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya.

 

Maxamed Ibraahim oo ah kormeere hawlgallada ICRC ee Caasimadda Soomaaliya Qqabilsan  ayaa qoraal uu soo Saaray Shalay ku yidhi.

 

“Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo.

 

Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah.

 

Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.”

Ayuu Ku yidhi Qoraalkiisa.

 

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in qoraalkaas Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya, “uu weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay labadhinac.

 

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tidhi “Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday.

 

caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.”

 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca.

 

maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas Hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019.”

 

Dowladda waxay sheegtay inay “xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.”

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker