Xiisad ka dhalatay qandaraas uu maal-geliyo Imaaraadka oo ka taagan Boosaaso

Boosaaso (OWN) – Waxaa laga dareemayaa magaalada Bossaaso xiisad ka dhalatay mashruuca sahay siinta ciidamada Badda Puntland, oo Imaaraadka Carabta uu maal-geliyo.

Madaxweyne Deni iyo xubno ku dhow oo ka tirsan koox lagu magacaabo Aaran Jaan ayaa khilaafka qeyb weyn ka ah, waxyna doonayaan in laga wareejiyo gebi ahaanba qandaraaska sahay siinta hay’adda Puntland Development Group (PDG) oo ay leeyihiin ganacsato u badan reer Bari.

Sahaysiinta ciidamada Badda Puntland waxaa maal-gelisa oo dhaqaalaha siisa Dowladda Imaraadka Carabta.

Khialafka dhowrka bilood ka dhex taagan hay’adda sahaysiinta PDG iyo Imaaradka Carabta ayaa abuurtay jawi xiisad saansaan dagaal.

 

 

Madaxweyne Deni iyo dadka ku dhow waxay u suxul duubayaan in hay’ad ay iyagu wataan la siiyo qandaraaska sahay siinta ciidamada Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano {PMPF}.

Waxaa la isku fahmi waayey dhowr asbuuc ka hor in lagu qanciyo ganacsatada reer Bari inay ka tanasulaan qandaraaska sahay siinta ciidamada Imaaradka gacanta ku hayo ee PMPF.

Waxgaradka iyo odayaasha Beelaha Gobolka Bari ayaa uga digay madaxweyne Deni iyo xulufadiisa in xiisaddan ay isku rogto dagaal ay dowladda Imaraadka Carabta gadaal ka riixeyo aysan Boosaaso ka ridin.

Waxay sheegeen in sababta la doonayo in qandaraaska looga qaado PDG ay tahay mid qabyaaladeysan, oo la doonayo in qanadaraaska lagu siiyo dad ku beel ah madaxweynaha.

Odayaasha ka dalbaday Imaaraadka Carabta in uu joojiyo dagaalka iyo colaada uu ka dhex abuurayo deegaanka Gobolka Bari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker