Al-Shabaab oo amar adag duldhigay Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya
Dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab ayaa amar adag ku soo rogay qaar ka mid ah ganacsatada qaadka Liboi oo ka tirsan degmada Dadab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Laba ka mid ah ganacsatadan oo lagu kala magacaabo Cabdulaahi Isaaq Haaruun iyo Cabdi Xasan Ilkacasase oo ay Al-Shabaab ka afduubteen duleedka Liboi oo u dhow magaalada Dhoobley 26-dii December ayaa lagu amray in ay joojiyaan ganacsiga Jaadka.
Ganacsatadan ayaa loola soo dhaqaaqay deegaanka Hoosingow ayaa dhanka kale lagu sii daayay damaanad lacageed sida Universal ay u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Eheladooda.
Amaradaan ayaa la ogeyn in ay dhaqangal noqon doonaan iyo Inkale.
Talaabadaan ayaa dhanka kale ku soo aadeysa iyadoo weeraro lagu dilay askar iyo dad rayid ah todobaadyadii la soo dhaafay ay kaย dhacayeen gobolka waqooyi Bari.