Hay’adda samafalka Muslimiinta Canada oo lagu waayey dembi ah inay maalgeliso argagixisada
Mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee ugu weyn Canada ayaa ku guuleysatey heshiis ku aadan warar been abuur ah oo laga faafiyay oo lagu sheegay inay “safka hore” ka yihiin maalgelinta kooxaha argagixisada ee dibadda.
Islamic Relief Canada waxay heshis is afgarad ah la gaartay maxkamadda horraantii bishaan dacwad ka dhan ah Thomas Quiggin – sarkaal hore uga tirsanaa militariga oo hadda isku bedelay cilmi-baare – iyo lix kale. kuwaas oo sameeyay hadallo “been abuur ah, xaasidnimo iyo sumcad dil ah” oo looga dan lahaa in lagu waxyeeleeyo hay’adda samafalka.
Kiiskan ayaa muujinaya nooca macluumaadka khaldan ee ay hay’adaha gargaarka sharciga ah ay inta badan kala kulmaan fulinta hawlahooda bini’aadantinimo,” ayuu yiri Usama Khan, Agaasimaha Islamic Relief Canada.
Isfahamka ay dacwadda ee Islamic Relief Canada waa tallaabo muhiim u ah dagaalkooda,” ayuu yiri Khan. “Marka aan la xisaabtano kuwa faafiya macluumaadka khaldan iyo ficiladooda, waxaan u diri karnaa fariin cad in aan loo dulqaadan doonin dhaqanka noocan ah.” Si rasmi ah looma shaacin qodobada lagu heshiiyay,