Suxufi Cabdi Fataax Caarshe oo Mudo Dheer ka dib Xoriyaddiisa Dib u Helay

Wariye Cabdifataax ismaaciil Caarshe ayaa maanta maxkamada degmada magaalada hargeysa dib  ugu soo celisay Xoriyadiisa isla markaan Wariye Abdifataax oo muddo gaadhaysa Afar iyo afartan cesho (44 cesho) maalmood ku xidhnaa Xarunta Sii’aydhiida (xarunta C,I,D), ee caasimada somaliland ee Hargeysa .

 

Waxaana Suxufiga Ugu Dambayn Siidaysay Maxkamadda Degmada Hargaysa oo Sidoo Kale Sheegtay In Masuuliyiintii Marka Hore Soo Eedeeyay Ay Ku Guuldaraysteen inay Keenaan Wax Cadayn ah oo Ay  u Hayaan Dambiyada ay ku Soo eedeeyeen .

 

 

Suxufi Abdifataax  Ayaa Xusay i Xadhigiisa Ka Dambeeyeen  Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka macdanta iyo Wasiirka wasaarada shaqo galinta iyo Arrimaha bulshada somaliland Hinda Gaani .

 

UGU Dambayntiina ay Maxkamadu Go,aansatay In  Xoriyadiisa Loosoo Celiyo.

Maadaama Ciddii soo Eedaysay AanaynunHayn Cadaymo Ku Filan oo uu Ku Mutaysan karo Ciqaab.

Suxufiga oo ah Wariye Madaxbanaan ayay Xadhigiisa Ka Hawl galeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo Xubin ka Yahay

 

Suxufiyiinta ka Hawl gala Somaliland ayaa Aalaba La Kulma Xadhig aan Loo Hayn Wax Cadayn ah.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker