Militeriga dalka Chad Oo Sheegay inay Ka Guuleysteen Koox Fallaago Ah kadib Geeridii Idriss Deby

Militeriga Chad ayaa ku sheegtay inay jebiyeen maleeshiyaad ka dagaallama waqooyiga kadib dagaallo toddobaadyo ka socday halkaas.

Dagaalka ka dhanka ah fallaagada fadhigeedu Libya ayaa qalalaase ka horseeday gudaha Chad kadib markii bishii lasoo dhaafay uu jiidda hore ee dagaalka ku dhawaacmay madaxweynihii Chad Idriss Deby oo markii dambe u dhintay dhawaaca.

Maleeshiyaadka waxay dhankooda sheegeen in aanay ka war qabin wararka sheegayo in laga guuleystay.

Axaddii ciidamada ayaa dabbaaldegyo ka sameeyay magaalada caasimadda ee N’Djamena, si shacabka ay taageero ugu muujiyaan militeriga Chad xilli uu jahwareer ka taagan yahay halkaas.

Weriyeyaal ku sugnaa saldhig ciidan ayaa arkay tiro dad ah oo lasoo qabtay kuwaas oo lagu sheegay inay ka tirsanaayeen fallaagada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker