Gawaadhi Uu Mugabe Leeyahay Oo La Xaraashayo
Gawaadhi iyo qalab beero oo uu leeyahay madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo 95 jir ah ayaa lagu wadaa in la xaraasho Sabtida, waana astaan muujinaysa macquulnimada in mashaakil dhaqaale uu soo foodsaaray ganacsigii qoyskiisa, sida uu ku warramayo wargayska ay dawladdu leedahay ee Herald.
Wargayksa ayaa soo xigtay xayaysiin ay Khamiistii baahisay shirkad wax xaraashta, taas oo sheegtay in ay qorshaynayso in ay iibiso qiyaastii soddon gaadhi, oo ay ka mid yihiin Mercedes Benz C-class limousine iyo faduurado noocoodu yahay Ford Rangers.
Wargayska Herald ayaa ku warramay in aysan durba caddayn sababta ay qoysku u xaraashayaan gawaadhida iyo qalabkan, balse ganacsigan oo soo jiray 37 sano ee uu xukunka soo hayay Mugabe ayaa laga soo gudbiyay dacwado la xidhiidha daymo la bixin waayay.
Mugabe ayaa xilka laga xayuubiyay 2017, ka dib markii milatarigu xukunka maroorsaday, waxaana xilkii kala wareegay ku xigeenkiisii hore Emmerson Mnangagwa.
Toddobaadkii hore ayuu Mnangagwa sheegay in Mugabe uu dawayn u jiro dalka Singapore.




