Qalad qoraal ( writing mistakes) Qalinkii Cabdi Cawiye

Marka hore waqtigiinu ha idiin samaado dhamaan bahda wax akhrida. Waqtigan hadda la joogo waxa aduunka xaquuqda u badan la siiyaa xarfaha qoraalka oo la ilaaliyaa inaan si qaldan loo qorin.
Waxa jira qaladaad dhaca marka wax la qoraayo ha ahaado
Wargeys
Maqaal
Fariin SMS ah
Xayeysiis Tv
boodh meharadeed
Hambalyo aroos
Qoraal uu kof dhigayo barahiisa bulsha IWM.
Haddaba aduunyada waxa aad loo tixgeliyaa ama loo hubiyaa qoraalada la qoraayo sababtoo qalad yar oo dhaca ayaa macno badan bedeli kara.
Inta badan waxa tixgelinta xoogan loo siiyaa hubinta qoraalku waa inaanu qofka ama madbacada ama wargeyska ka bixin qoraal qaldani waayo qoraalkani wuxuu gaadhayaa kumanaan qof oo aqoon leh taasina waxa ay hoos u dhac ku tahay isha qoraalkaasi ka yimid.
Bal aan yara hogetusaaleeye ereyo luqada soomaaliga ah oo aan si qaladan loo qoray kadibna macno kale yeeshay.
Daaska *****
macanheedu waa dukaanka hebel.
waxa dhacay qalad xaga qoraalka ah oo wuxuu noqday
Daafka *****
macanaheedu waa hargabkii hebel.
Ninkii farshaxanka ahaa oo gacantiisa ku qoraayey ama ku buufinaayey uma uu fiirsan waxa uuna noqday macnihii magaca meheradu mid waji kale leh.
Hilaadii 2004kii anigoo macalim ka ah dugsiga Sheikh Bashiir ee Hargeysa ayaa anigoo geed dugsiga ku yaala hoos fadhiya ishaydu waxay ku dhacday gobol yar ama jeex yar oo wargeys ama jaraa’id ah oo ay ku qoran tahay Xarunta wasaarada xabaalaha xoolaha. Waan fahmay wuxuu u jeeday oo ahayd xarunta Wasaarada xanaanada xoolaha lkn waa qalad aad u weyn oo dhacay.
Dukaan ku yaala xaafada Ibrahim Koodbuur ee Hargeisa ayaa waxa uu nin Artst ahi ku buufiyey ama ku xardhay ****** PIG SHOP aad baan intii u qaadan kari waayey lkn daqiiqadiiba waxaan maskaxdayda kusoo dhacay dukaan weyn ayuu u jeedaa, macnaha HEBEL HEBEL BIG SHOP lkn qaladkaa halka xaraf ahi wuxuu keenay qalad weyn oo ah inuu noqdo DUKAANKII DOOFAARKA iibinayey.
Xiligaa wuu xidhnaa dukaanku fiidkii ayaan tagay aniga iyo inan kale oo aanu u sheeganay waxa ugu qoran dukaanka iyo macnihiisa si fiicana wuu iila qaatay oo laba cisho ka dib waxaan arkay qoraalkii oo laga tirtiray oo dib loo saxay.
Waxa la sheegaa qalad qoraalku xitaa inuu ummado dhan ama nafo dhan galaaftay xiliyo hore, waxa jirey nin sheekha oo kitaab weyne ahaa cilmiga dibigana dadka ku daweeya ayaa dad u yimaadeen oo ku yidhaahdeen “ sheekh hebelow beesha safbaa wada maraye maxaanu safka ama hargebka u cunaa”.
Sheekhii kitaabkiibuu ee gay waxana uu ku yidhi “XAYA TU SAWDAA ayaa idiin dawo ah oo kitaabku sheegay”.
Sida la sheegayna kitaabka khad ayaa ku daatay oo dhibco madmadow u yeelay.
Waxan uu dadka u direy ee Xayatu Sowdaa waa abeesada sunta badan ee madow ayuu yidhi cuna.
lkn sida saxda ah waxa ay ahayd XABATU SAWDAA oo ah xabaasuuda.
Reerihi abeesadii ayey raadgadeen oo meel walba ka raacdeeyeen muddo ka dib bay heleen oo kariyeen oo cuneen maraqiina cabeen nasiib-daro se ardaagiiba lagama kicin oo suntii ayaa wadnahii ku dhufatay oo halkii ayey kaga wada aguugtay.
Qaladkaa waxa keenay hal xaraf oo qaldamay oo ay nafo badani u allaysteen.
qaybaha dambe waxaan idiinku soo gudbin doona xariiqyar oo warqad ku qaldamay ayaa nina madaxweyne ka dhigay nin soo bixi lahaana ridey.
Guntii iyo gebogabadii qaybta koowaad.
Intii uu qofka ama wargeyska ama madbacadu sixi karayso haku dadaasho waayo waa waran qoraalku haduu faraha ka baxana lama soo celin karo.
qof walbaaba inuu hubiyo maqaalka ama qoraalka uu dhigaayo barihiisa bulshada.

Siyaabaha loo yarayn karo qalad_qoraalka

Lasoco ………………..
Qalinkii Cabdi Cawiye
+252634115877

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker