Doolow: Hay’adda Maaraynta masiiboobyinka Soomaaliya oo Jawaanno ciid u adeegsanaysa ka hortagga fatahaada webiga Jubba

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SODMA), ayaa wajahaysa dhaleeceyn baahsan oo baraha bulshada kasoo gaartay, kadib markii jawaanno ciid ah ay hay’addu dhigay xaafado ku dhow dhow webiyada Jubba iyo Dawo Magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Jawaannadan oo lagu tilmaamay kuwa looga hortagayo fatahaadaha webiga, ayay shacabku ku tilmaameen tallaabo masuuliyad darro ah oo u baahan in lagula xisaabtamo hay’adda SODMA.

Toddobaadyada soo socda ayaa la saadaalinayaa roobab mahiigaan ah oo ka di’i doona koonfurta Soomaaliya, waxayna khubaradu ka digayaan daadad xooggan oo saameyn ku yeelan kara dadka degan deegaanada u dhow webiyada.

Tani waxay dhalisay baaqyo ah in si degdeg ah looga baxo aagagga u nugul fatahaadaha.

Dadka ayaa sheegay jawaanada ciidda ah ee hay’addu ay dhigtay jiinka Webiga, in aysan noqon karin kuwo wax ka qaban karta fatahaada webiga. Waxay sheegeen in loo baahan yahay tallaabo ka wanaagsan ama in dadka laga daad gureeyo goobaha halista ah.

Hay’adda SODMA  weli wax jawaab ah ka bixin cabashada shacabka, balse cabashada ayaa muujinaysa baahida loo qabo hufnaan iyo isla xisaabtan  ku aaddan howlaha hay’adda qabanayso.

Dabayaaqada sanadkii hore, Doolow ayaa kamid ahayd degaanada uu aadka u saameeyay fatahaada webiga Jubba. Magaalada ayaa guud ahaan waxaa buux dhaafiyay daadadka biyaha webiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker