Qaramada Midoobey: 14 sano ayey qaadan doontaa si loo nadiifiyo Qasa

Buruburka faraha badan ee uu ka tagay dagaalka Qasa, oo ay ku jiraan walxo aan qarxin, ayaa qaadan kara afar iyo toban sano si loo nadiifiyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Per Lodhamar, oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan wax ka qabadka miinada, ayaa sharaxay in dagaalku uu ka tagay qiyaastii 37 milyan oo tan oo burbur ah qaybaha dadku ku badan yihiin, “taas oo ah, ku dhawaad 300 kiiloogaraam oo burbur ah halkii mitir oo labajibbaaran.”

Waxa uu intaa ku daray shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva in inkastoo aan la ogaan karin tirada saxda ah ee hubka aan weli qarxin ee Qasa, haddana uu filayo inay qaadan doonto 14 sano, xaaladaha qaarkood, si looga saaro burburka iyo dhismayaasha burburay.

“Waan ognahay in inta badan ay jirto ugu yaraan 10 boqolkiiba madaafiicda dhulka ku dhacday oo aan weli qarxin,” ayuu yidhi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Israa’iil uu Qasa ka dhigay “Jahannamo bini’aadantinimo” iyadoo laga cabsi qabo in macaluul soo food saarto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker