Jabahadda ONLF Oo Ka Hadashay Shidaalka Laga Helay Deegaanka Somalida Ee Ethiopia

Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in deegaanka Soomaalida laga helay keyd Gaaska Dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

War ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain oo la yirahdo New Age (African Global Energy Ltd) oo sahan ka waday meelo ka mid ah dhulkaasi ay keydkan ka heshay Deegaanka Hala-quraan.

 

Jabahadda ONLF  oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay.

 

Afhayeenka Jabhadda ONLF, ayaa sheegay inay tahay arrin wanaagsan in dhulka Somalida Shidaalkaasi laga helay, waxaana uu sheegay in dib loogu laabanaayo heshiisyadii dhanka Khayraadka ee Somalida iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen.

 

“Hantidan hanti Soomalaiyeed weeye, doorka dowladda Ismaamulka ay ku leedahay arrimaha gaaska iyo Batroolka, dowladda shacabka ay leeyihiin iyo doorka ay Jabhadu leedahayba waa iney cadaataa arintaas, heshiisyadii hore ee dadka Soomaaliyeed lagu dul minaayay ma soconayaan” ayuu yiri Hirmooge.

 

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dadka Somalida ay manaafacaadsadaan Shidaalkaasi si ay uga faa’iideystaan Khayraadka dhulkooda ka buuxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker