Boqor Charles oo dib ugu laabanaya xafiiska kadib horumar laga gaadhay daaweyntiisa kansarka

Boqor Charles ayaa dib ugu laaban doona gudashada waajibaadkiisa toddobaadka soo socda kadib markii horumar dhiirrigelin leh laga gaaray daaweyntiisa kansarka, sida uu sheegay aqalka Buckingham Palace.

Weli soo laabasho buuxda uma aha Boqorka, balse wuxuu aqalku sheegay inay tan tahay wax wanaagsan.

Boqorka ayaa Talaadada soo socota safar taariikh ah ku tegi doona xarunta daaweynta kansarka.

Qorshooyinkiisa xagaaga waxaa ka mid ah martigelinta Boqorka iyo Boqoradda Japan.

Toddobaadyada soo socda, wuxuu aqalku sheegay, inuu Boqorku qaban doono howlo badan oo dibadda ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker