Xanuunka KAADI MACAANKA iyo bulshada somaliland….

marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan inta isdultaagta mabaa,diideeda kuna dhaqanta,waxaan kaloo salaamyaa dhamaan akhristayaasha sharaftale.
caafimaadku waa shay qaaliya  waana nicmooyinka waawayn ee ilaahay marwalba la waydiisto,caafimaad qof waaya uun baa ogaan kara qiimaha uu leeyahay.
ducooyinkii rasuulkeena moxamed (csw) uu ina faray inaynu had iyo jeer ku ducaysano ayaa ah(allaahuma inii asaluka alcafwa wal caafiya),,,dhinaca kale waxaad ka dheehankartaa xadiiska rasuulka (csw) ee mashhuurka ah..macnihiisuna yahay ( xubin kamida jadhkaagu hadii dhib ama xanuun noocuu doonaba iyo intuu doonaba ha ahaadee in jidhkaaga inta kalena lawadaagayso xanuunkaa lana sahrayso.)
maanta waxaan in yar wax ka odhanayaa xanuun iminka fara baas ku haya caalamka oo dhan yar iyo wayn ,xanuunkaasi waa KAADI MACAANKA ( Diabetic Mellitus) waa xanuun choronic ah lagana dawoobin ilaahay tiisa mooyaane (ilaahay inta uu hayo haka caafiya inta kalena haka fogeeyee).
1-WAA MAXAY HADABA KAADI  MACAANKU? NOOCYADIISA?MAXAA SABABA? CALAAAMADIHIISA?IYO DAAWO MA LEEYAHAY?
Waa suaalo runtii aanan aad ugu fogaanayn sharax kooban oo la fahmi karana kaga jawaabaya inta ay garashadaydu tahay iyo aqoonta aan u leeyahayi,
2-Waa maxay kaadi macaanku? sidaynu ogsoonahay bini aadamka markiisa horeba waa mucjiso ilaah ,xubnihiisa mid waliba shaqo gaara bay qabataa lakiin hadana isku wada xidhan,waxaynu  kaloo ogsoonahay in jidhka bini aadamku u baahanyahay sonkor waana level mucayina oo haday xad dhaaf noqoto oo dhiiga ku badato layaaho kaadi macaan ,sonkortu waxay ka dhalataa cuntada aynu cuno marka danbena waxayna ina sii saa tamarta ama dhalisaa (glucose),Dheecaanka hadaba ku ilaaliya levelkaa sonkorta dhiiga (insulin) oo ka soo baxa ama ay siidaayo qanjidh ku yaala GANACA (pancreas) langerhans island,isku soo wada duub kaadi macaanku waa xadka sonkorta dhiiga raacada oo kor uga kacda xadkeeda.
waxaa lagu qiyaasaa sonkorta dhiiga dabiiciga ah 80-120ml/dl qofka caadiga ah ee aan xanuunka qabin.
3-intee nooc buu u kala baxaa xanuunkani? marka aad loo fasirayo xanuunkan waa dhowr nooc laakiin waxaa ugu caansan 3 nooc:
A-waa nooca loo yaqaano (INDM),,oo ah nooca aan qanjidhkaasi haba yaraatee soo saari karin insulin oo howlgaba,qofkaasi wuxuu u baahanyahay inuu insuliin qaato si irbad ahaana ama spray,ama hab cusub oo dhawaan soo baxay jidhkana la gu dhexbeero mishiin isagu ku sii daynaya insuliinta marka uu u baahdo.noocani wuxuu ku badanyahay oo ku dhacaa acaruurta iyo dadka waaa wayn lakiin nisbad yar.
B-Nooca kabaad am (NIDM) waa qanjidhkaa oo yareeyey dheecaankii waa insuliikee si waafiyana aan u gaadhayn level kii dabiiciga ahaa,kani waa nooca uu u badanyahay dadku waana mid aanay dadku had iyo jeer aanay isku ogaan isagoo soo rita mooyaane.(waana ka wadankeena ku badan).noocani waxaa loo qaataa kiniin iyo life style ka qofku bedelo dad doodu waawayntahayna wuu ku dhacaa ama ku badanyahay.
C-Nooca sadexaad waa ka ku dhaca haweenka uurkale waana mid mudadaa uun ku xidhan ,waxaana loo malaynayaa inuu uun ka dhasho hormoon jeenjisska ku yimaada haweenka marxaladaa markay umushana badidooda ka baxa ama ay ka bogsadaan.
2- Maxaa sababa kaadi macaanka ?ilaa iyo hada ma jiraan asbaabo toosa oo la odhan karo way sababaan lakiin waxaa la odhankaraa xanuun ku yimaada qanjidhka,dhaxal jiiniya oo taariikhda famliga ah,iyo life style ka dadka uu ku dhaco oo la dirsay lana ogaaday fadhiga badan,cayilka xad dhaafka ah iyo cuntada ,si gaara cuntada baruurtu ku badantahay iyo dufanku.
3-calaamadihiisu waa maxay? waa arin muhiima akhristow inaad ogaato:
a-kaadi badan  oo aad marwalba dareento in kaadi ku hayso khaasatan habeenkii,
b-haraad badan ay sababaysana kaadidan badan oo jidhkaaga ka dhamaynaysa biyaha.
d-baahi badan oo aad cunta cunista u qabayso xataa hadaad cuntay markaaba.
c-miisaanka oo qofka aad uga dhaca si fudud oo dhakhso badan,
e-daal farabadan iyi tacab
f-afkaiyo jidiinka oo ku qalala
g-dookhad iyo araga oo dhalanteed kaa galo wax walba mararka qaarkeed
Calaamadaha waawayn ee marka danbe qofka ku soo baxa hadii uu kantarooli waayo xanuunka:
a-nabarada oo aan hore u bogsan xataa haday yaryihiin,
b-araga indhaha oo sii  yaraada ,marka danbena indha beel uu qofku ku danbeeyo
c-kelyaha oo uu ka haleelo oo howlgab noqda,wadna xanuun,dhiikar iyo aakhirka dhimasho.
3-Dawada xanuunkan:
Sidaynu u soo sheegnay ka hore waa irbadaa insuliinka oo uu qaato for life si taxadirana u isticmaalo ,cuntada iyo insuliinka uu qaadanayona isu miisaama.
nooca labaad waa ka loo qaato kiniinka laguna kantarooli karo ,waa hadaan life style ka oo labedelaa ,jimicsiga,cuntada intaasiba waxba ka tariwaydo ayaa markaa lagula tacaalaa kiniinka..
nooca sadexaad waa ka ku dhaca haweenka uurkale ,kaasi waa mid mudadaa ay gabadhu uurka leedahay ku xidhan oo markay umusho badiba ka baxa in yar mooyaane wax dawo ahna u baahna,lakiin waa inay qofka dumari siyaaro joogta ah ula yeelato dhakhtarkeeda.
hadaba gabagabadii iyo gunaanadkii akhristow xanuunkan kaadi macaanku waa mid jamhuuriyada somaliland bulshdeeda iminka aad loogu arko una baahan in tirakoob lagu sameeyo dadka qaba si loo ogaado dawana loo siiyo ,xanuunku waa chronic disease lagama dawoobo se waa lala noolaan karaa ilaa aakhiril cumur baqdina malaha  marka la kantaroolo si fiicana loo ilaaliyo.
bulshada hadaba waxaan leeyahay xanuunkan iyo kuwa kaleba yaan la qarsan waayo xanuunka horaantiisa iyo marka uu fido wax ka qabashadiisu way kala howl yaryihiin ,hadhayal sanina isna baadha ,sida laysu baadhaana waa fudayd ,si fikrad ahaana waxaad iska baadhi kartaa laababka farmasiyada haday hayaan mishiinka lagu baadho ee electroniga ah ,lakiin si saxa waxaad u kala ogaankartaa marka aad Dr u tagto iyo dhakhtarkaaga.
waxaa kaloo aad isugu taxalujisaan calaamadihiisa oo hadaa intaa iyo in u dhowba isku aragtaan aa markiiba dhakhtarka ka hubisaan.
wax yaalaha AAN AADKA ULA YAABAY WAXAY AHAYD MARKAAN KU ARKAY MIYI DADKII OO XANUUNKANQ QABA OO AAN IS OGAYN ,dadkaa maxaad ku tilmaami kartaa life style kooda miyey yihiin dad la odhanlahaa xanuunkaan bay qaadayaan !!!! runtii wax waliba waaamarka ilaahay ,lakiin xanuunkan waxaa lagu tilmaamaa xanuunka casriga,,,
*** SOONTA IYO XANUUNKA KAADI MACAANKA:
runtii waa arin muhiima in bukaanka kaadi macaanku sadexdiisa nooc ee aynu hore ku soo xusnay ay aad ula socdaan xaaladooda bishaa soonta khaasatan labada hore ka irbada insuliinta qaata iyo ka dawada qaata labadaa waxaa looga baahanyahay bisha ramadaan inay aad u qiyaasaan heerka sonkortoodu marayso dawadana ku dedaalaan inay qaataan oo aanay ka tegin ,lakiin waxaa muhiim bukaanka sonkormacaanku inuu ziyaarto dhakhtarkiisa oo uu talo ka qaato bisha ramadaan inuu soomi karo iyo inkale iyo siduu dawadiisa u qaadanlaa madaama ay isbedeshay bishaa wakhtiyadii cunta ,qaadashadu dabcanse waxay ku xidhantahay talada dhakhtarku hadba bukaanka heerka ay xaalada bukaanka ,cimrigiisa ,inay jiraan xanuuno kaloo ku sababay bukaanka kaadi macaanku sida kelyaha ,wadnaha ama nabaro markuu intaaba dhakhtarku ku sameeyey baadhitaan ayuu bukaanka siin karaa talada ku haboon.aniga nasteexadaydu waxaytahay in uu aad uga taxadiro bukaankaasi bishaa oo uu talada dhakhtarkana qaato dawooyinkiisa iyo eegis joogta heerka ay marayso sonkortiisuna lasocdo.
allaa mahadle…
                                                                                                                                    abdirashid osman
                                                                                                                        abdirashidsmn@yahoo.com
                                                                                                                                   Dubai
                                                                                                                                 00971506972985

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker