Culaysyadu soo kordhiyey Container Scanner-ka lagu soo kordhiyey Kastamka Dekedda Berbera
Culaysyadu soo kordhiyey Container Scanner-ka lagu soo kordhiyey Kastamka Dekedda Berbera
Container Scanner-ka lagu soo kordhiyey Kastamka Dekedda Berbera waa mid culeys shaqo iyo wakhti ku sii kordhinayo shaqaddii kastamka. Sidoo kalena culeys maaliyadeed ku soo kordhinaya badeecadaha ganacsiga dalka.
Shantii cisho ee u dambaysay Ganacsatada Alaabta kala soo degta Dekedda Berbera & Iskaashatada SOFFA ee iyagu bixaya adeegga kastamyada alaabta lagaga soo saaro ayaa joojiyey shaqadii, kadib markii container Scanner kii shalay la rakibay laga dhigay in qasab lagu isticmaalo, kontaynar kastoo la marinayana lagu soo rogay 50 dollar oo qasab ah.
Container Scanerkan, sido ila xogogaal ah oo looga qaateen ah sheegeen waxa iska leh ganacsade ina Aw siciid, ujeedkiisuna waa macaash abuur, dawladda ganacsaduhu dhexmarsanayo. Container Scanner-ka waa nidaam dunida oo dhan laga isticmaalo, lamana mariyo alaab kaste ee alaabaha shikiga laga qabo uun baa la mariyaa, waana mid lacag la’aan ah, maadaama uu yahay aqab shaqo oo kastamku hubinta alaabaha ganacsatada qaar u u isticmaalo. Lidkeedase kan Berbera iyo Lawyacado waa kuwa macaash doon ah oo ganacsade Maxamed Aw Siciid ganacsi ahaan u keensaday.
$50 in kontaynar kaste laga qaado waa Culays Maaliyadeed oo Sharcidarro ah. kharashkan cusubi ee lagu sheeegay scan fee-gu wuxuu sii kordhinayaa port and clearance charges kii awalba badnaa ee laga qaadi jiray ganacsatada Dekeda Berbera waxaanu saamayn doonaa Nolosha iyo Maceeshadda suuqa ee awelba qaaliga ahaa iyadoo ay jiraan sixir barar iyo qiimihii sarifkoo kacay. Tusaale kontaynar raashinka ah ee 20 feet ahi cashuurtiisu waa 500 oo dollar, waxa ku biiro doona 50 dollar, taasi oo ku kordhi doonta qiimaha alaabta lagu iibiyo.
Marka laga yimaado culeyska maaliyadeed, waxaa kaloo iyadna arinka sababaysaa in wakhtigii alaabta lagu saaran jiray uu kordhi doona, maadaama nidaamkii alaabta kastamka loogala baxayey aan waxba laga bedelin, kaasi oo awelba dhawr cisho ku qaadanaysay in lagula baxo kontaynarka alaabaha kala duwan ku jiraan. Arinkanina waxay soo kordhinaysaa kuyuu in loo galao scan-ka iyadoo nidaamyadii kaloo dhana la marayo, tanina waxay horseedi doontaa in wakhtiga alaabta lagula baxo kordho. Dhinaca kale maadaama qasab laga dhigay kontaynar kaste iyo gaadhi kaste in 50 dollar laga qaado, juwanka cashuurtana la raaciyo, waxay ka dhigantahay in hadii xataa uu shaqeyn waayo Scanner-ku in lacagtaas ganacsatada ay saarnaan doonto.
In iyadoon la eegin xaalada dhaqaale, sicir iyo sarif barar ee dalku ku jiro, in la soo rogo lacag dheeri ah oo weliba khasab ah waxa u sabab ah aqoonta hooseysa iyo garasho gaabnaanta agaasinka waaxda kastamada oo ah kuwa an ehel u aheyn aqoonta dhaqaalaha iyo maamulka, iyadoo ay u dheertahay in agaasimaha iyo ku xigeenkiisiba aanay laheyn habayaraatee aqoon jaamacadeed.
Waxa kale oo khatar ah, maadaama scannerka ganacsade shakhsi ah iska leeyahay, system-ka ganacsadaha waxa gacanta u gali doona dhamaan macluumaadka alaabaha ganacsatadu soo dejisatay, taasi oo ka hor imanaysa aaminaadii ganacsatadu dawladda ku aamintay xogtoodii, ganacsaduhuna siduu doono ayuu ugu tagrifali karaa xogtii ganacsatada dalka ee dawladda lagu aaminay.
maadaama xogta ganacsigu xasaasi tahay, waxa intaa dheer inay iyadna jirto shirkad la yidhaa Sahal Tech oo iyadna gaar loo leeyahay, taasi oo dhamaan xogta alaabta ganacsatadu la soo degto system computer oo ay leeyihiin ku keydiya, kuwaasoo iyaguna Container kaste 10 dollar ka qaada. Xogtaa gacanta ay ku dhigaan waxa ka mid ah “commercial invoice-ka” ganacsaduhu wax ku soo iibsaday oo xambaarsan dhamaan xogaha halbowlaha u ah ganacsatadaha. Xogtaasina waa mid markaste u nugul in lagu tagrifalo oo cid kale loo gudbiyo, maadaama shirkad si shakhsi ah loo leeyahay ay xogtaa haysato.
Inay waxan oo dhami dhacaan, waxa u sabab ah Agaasimayaasha iyo maamulayaasha kastmka loo magacaabo oo aan 95% aheyn dad aan ehel u aheyn aqoon jaamacadeed, waxa intaadheer nin jeclaysiga doorkabidan ee guud ahaan ka jira wasaaradda gudaheega, maadaama dadkii ehelka u ahaa aqoonta ogaan indhaha looga laliyo.
Agaasimaha hada Kastamka jooga waxa soo xushay oo keensaday ganacsade Maxamed Aw Siciid si mashruuciisa Scanka alaabtu u fulo. Waxa kale oo jirta in sigaarkii loogu sameeyey cashuur dhaaf. Tusaale cashuurta xadidaada ee saaran buuriga iyo tobaakadu waa 50%, Maxamed Aw Siciid waxa looga dhigay 20%. Dhinaca kale Warshada Maxamed Aw Siciid ee sibidhka iyo gaadiidka ka shaqeynaya ayaa dhamaan cashuur dhaaf looga dhigay taasi oo ka soo horjeeda sharciga casshuuraha.
Scanka oo isna Lawyacado la dhigay ayaa ka sokow culeyska shaqo iyo maaliyadeed ee ganacsatadu la kuomayso waxa u dheer in iyaga gaadhi kaste lagu soo rogay 50 dollar. Markay sidaa tahay kontaynarka 20 feet ah labo gaadhi baa qaada alaabtiisa. Ka 40 feetka ahna 4 gaadhi baa qaada, taasi oo ka dhigan in kontaynarka 20 feetka ah Lawyacado noqon doono 100 dollar, ka 40 feetka ahina 200 dollar, halka Berbera ay kaliya ka tahay 50 dollar.