Maraykanka oo sheegay sababtay U Qariyeen Magacyada Masuuliyiinta Soomaaliya ee ay xayiraadda saareen

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André  ayaa sheegay in sharcigooda uu dhigayo in aan dadweynaha lala wadaagin heerka fiisaha ee shakhsiga ah sidaa darteedna aanay marnaba shaacinayn Magacyada Masuuliyiinta Soomaaliya ee la xayiray socodkooda.
Mareykanka ayaa bishii hore shaaca ka qaaday inay xayiraad dhinaca socdaalka ah ay ku soo rogeen mas’uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa hore, kaddib markii lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
“Inta badan waxaa nala weydiiyaa liiska shaqsiyaadka la xaddiday. Sharcigayagu ma dhigayo in dadweynaha aan la wadaagno heerka fiisaha ee shakhsiga. Kuwa ay khusayso xaddidaaddaasi waxaa ay ogaan doonaan goorta iyo haddii ay dalbanayaan fiisaha, ama marka joojinta fiisahii horay loo soo saaray lala xidhiidhiyo” ayuu yidhi Ambasaddor Larry Andre.
“Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasada ee caanka ah ayaa si cad danaha shaqsiga uga hormariyay danta qaranka, sidaas darteedna waxay halis galiyeen qarankooda, sidoo kalena halis geliyey maal-gashigii faraha badnaa ee dadka Maraykanku ay ku sameeyeen soo noolaynta Soomaaliya. Waxaan leenahay kuwa khatarta ku ah xasiloonida iyo dimoqraadiyadda curdunka ah ee Soomaaliya, iyo xubnaha qoyskooda, lagama soo dhoweyn doono waddankeena”, ayuu yidhi.
Dad badan ayaa aad u xiiseynayay in ay oggaadaan dadka ku jira liiska kuwa la xayiray tan iyo markii Mareykanka uu shaaciyay xayiraada dhinaca socdaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker