Mowqifkii Maraykanka ee dagaalka Qasa oo isbadalay

Erayada qaraarka qabyada ah ee Mareykanka oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dhawaan u codeyn doono, ayaa muujinaya in uu dulqaadku kasii dhamaanayo saaxiibka ugu dhow Israa’iil.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhashay weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar, Washington waxa ay diidday saddex qaraar oo qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin laga sameeyo Qasa. Waxa ay ku doodday in tallaabadan oo kale ay khalad tahay iyadoo wada xaajoodyada xasaasiga ah ee xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ay sii socdaan u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Mareykanka ayaa si weyn loo dhaleeceeyay isagoo ka ilaalinaya Israa’iil cadaadis si ay u daabiso weerarkeeda iyadoo ay sii kordhayaan tirada dhimashada ee Qasa.

Hadda qoraalka Maraykanku wuxuu muujinayaa ka degista mawqifkiisii dublamaasiyadeed ee muddada dheer uu haystay. Waxa uu leeyahay “waxaa lagama maarmaan ah xabbad joojin degdeg ah oo joogto ah”. Muhiimad ahaan, isla jumladan ayaa waxaa ku jirta “iyo taageeridda soo afjarid aan leexleexad lahayn” wada xaajoodka sii deynta la haystayaasha ee socda, gaar ahaan iyada oo la isku xirayo labada arrimood.

Ma cadda in aqlabiyadda 14-ka xubnood ee kale ee Golaha Ammaanka ay u codeyn doonaan qaraarka, oo dadka qaar ay u arkaan in aanu meel dheer gaarin.

Laakiin xaqiiqda ah in Maraykanku uu hadda taageerayo baaqyada xabbad-joojinta mabda’a ahaan waa calaamad kale oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa maamulka Biden iyo xukuumadda Benyamin Netanyahu ka hor weerarka Israa’iil ee ku wajahan Rafax, taas oo Maraykanku si cad u sheegay in uusan taageersanayn. .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker