Maxaa Sababay Guushii Liverpool ay ku Gaadhay Garoonkeeda Anfield

Kooxda Liverpool  ayaa garoonkeeda Anfield guul sahlan kaga gaadhay kooxda Wolverhampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

 

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

 

Daqiiqadii 24-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay laacibka reer Masar ee Mohamed Salah.

 

 

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee Goolal loo filan karay.

 

 

Daqiiqadii 59-aad Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Georginio Wijnaldum, xilli uu caawinta goolkan lahaa Jordan Henderson.

 

 

67 daqiiqo Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaanka dheesha waxaana 3-0 ka dhigay Joel Matip, iyadoo uu Mohamed Salah uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay.

 

 

Daqiiqadii 78-aad kooxda Wolverhampton ayaa si toos ah u niyadjabtay kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddigooda Nelson Semedo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 4-0.

 

 

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-0 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda Wolverhampton oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, xilli Reds ay booska labaad kaga jirto dhanka kala sareynta ee horyaalka Premier League.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker