Maxaa ka jira in Mucaaridka iyo Xukuumadu ay Heshiis ka gaadhan Muranka Siyaasiga ee Somaliland

Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadu ay la filaaya in Heshiis ka gaadhan Muranka Siyaasiga ee Somaliland ka taagan Maalmaha fooda inagu soo haya.

Dhexdhexaadinta ayay ka dhax wadaan labbada Dhinac Ganacsatada Waawayn ee Somaliland iyadoo qodabada ay Guddiga dhexdhaxaadinta ay soo saari doonan marka ay dhinacyadu si rasmi ah u wada aqbalaan.

Qodabada la filaayo in Laga Heshiiyo ee khuseeya Doorashooyinka ayaa hadii lagu guulaysto aqbalaada Labadda dhinacba Ay shaacin doonan Guddiga Dhexdhexadintu iyadoo marka danbena wixii Xeerar cusub looga bahdo arrimaha Doorashooyinka ee lagu heshiisiyo loo gudbin doona Golaha Wakiilada.

Qodabada qaar la filaayo in heshiiska lagu gaadho ayay maanta Warbaahinta qaar ay u sii shaciyeen si hordhac ah balse weli waxa socda dhamaytirka in arrimahaas Heshiis laga wada gaadho oo la soo afjaro maalmaha fooda inagu soo haya.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Waawayn oo aan la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inay ii xaqijiyan Jiritaanka Qodobadaas Balse waxay ku gaabsaden inay filayaan in dhexdhaxadinta rajaynayaan inay ku guulaystan gabagabaynteeda maalmaha soo socda oo wakhtigaas ay si rasmi ah u shaacin doonan qodabada lagu heshiiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker