Israel oo sameyneysa Qalad la mid ah kii Maraykanku ka sameeyay Ciraaq

Wargyeska New York Times aya dabaacay maqaal ra’yi ah uu qoray David French , kaas oo cinwaankiisu uu ahaa “ Isarel waxa ay sameyneysaa qalad lamid ah kii Maraykanku uu ka sameeyay Ciraaq”

Qoraaga ayaa sheegay in lix bilood kadib dagaalka, Israel ay dareentay, dareen murugo leh kuwaas oo ah in Israel ay wajahayso caqabado badan oo la mid ah kuwii uu Maraykanku uu kala kulmay dalka Ciraaq, waxay sameyneysaa qalad lamid ah kii Maraykanku uu sameeyay

Qoraagu waxa uu tilmaamay in khasaaraha baaxadda leh ee dhimashada iyo macluusha leh ay si toos ah uga dhasheen dagaalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Israa’iil aanay guul gaari karin ilaa ay ka bixiyaan baahiyaha aasaasiga ah ee dadka Marinka Gaza, taasina ay tahay midda Maraykanku uu ka bartay dagaalladiisa dibadda, sida uu qabo qoraagu

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker