Ciidammo gadoodsan oo xidhay waddooyinka madaxtooyada Puntland

Ciidammo la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin mushahar la’aan ayaa saaka xirtay waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe halkaas oo ay diideen in ay maraan dhamaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay jireen warar sheegaya ciidammo kale oo shalay qabsaday dekadda magaalada Boosaaso kuwaas oo qudhoodu sheeganayey Mushahar la’aan muddo dhowr bilood ah.

Puntland ayaa ku jirta xilli doorasho iyada oo toddobaadkii tagey ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacday deeganada puntland halkaas oo lagu doortay golaha deegaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker