Mucjisooyinka Aduunka : Haweeney 27 sano koomo ku jirtay oo si mucjiso ah u soo kacday

Haweeney u dhalatay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, oo sannadkii 1991-kii ku dhaawacantay shil gaari ayaa caafimaad mucjiso ah heshay, ka dib markii ay kasoo kacday koomadii ay 27 sano ku jirtay.

Muniira Cabdalla, oo markii ay dhaawacmeysay 32 sano jir ahayd ayaa la xanuunsaneysay dhaawac halis ah oo ka gaaray maskaxda.

Gaarigii ay saarneyd ayaa bas ku dhacay, xilli ay iskuulka kasoo qaadday wiil yar oo ay dhashay.

Cumar Webair, oo markaas 4 sano jir ahaa ayaa hooyadiis la fadhiyay qeybta dambe ee gaariga, balse waxba ma aysan gaarin, maadaama ay hooyadiis laabta galisay markii uu shilka dhacayay.

 

Muniira – oo uu gaariga ku kaxeynayay dumaashigeed ayaa si xun u dhaawacantay, balse waxay sannadkii lasoo dhaafay dib miyirkeeda u heshay iyadoo ku jirtay isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Cumar ayaa ka sheekeeyay arrinta shilka iyo xaaladda soo fiicnaatay ee hooyadiis, oo sannado badan la daaweynayay, mar uu wareysi siiyay wargeys Imaaraadka kasoo baxa oo lagu magacaabo The National.

‘Laabta ayey i galisay si ay ii badbaadiso’

“Waligey kama niyad jabin caafimaadkeeda, sababtoo ah mar walba waxaa igu jiray dareen ah inay dib usoo kici doonto maalin uun”, sidaas ayuu Cumar wargeyska ku yidhi maalintii Isniinta ahayd.

“Sababta aan sheekadeeda idiinla wadaagay waa inaan dadka u sheego inaysan ka quusanin shakhsiyaadka ay jecel yihiin, ha u arkin inay yihiin dad dhintay marka ay xaaladdaas oo kale ku sugan yihiin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Hooyadey waxay ila fadhisay qeybta dambe ee gaariga. Markii ay aragtay inaan shil galeyno, hab ayey isiisay si ay iiga badbaadiso halista”.

Isagu marka uu shilka dhacay wax weyn ma uusan gaarin, laakiin hooyadiis ayaa goobta taallay saacado badan, iyadoo aan wax daaweyn ah helin.

Sannado daaweyn ah

Muniira waxaa ugu dambeyn loo qaaday isbitaal maxalli ah, markii dambena waxaa loo gudbiyay isbitaal ku yaalla magaalada London.

Halkaas markii la geeyay waxaa lagu dhawaaqay inaysan miyir lahayn, maskaxdeedana aysan wax jawaab ah bixineynin, laakiin xanuunka wey dareemeysay maskaxdu, sida uu qoray wargeyska National.

Waxaa markaas dib loogu celiyay magaalada Al Cayn, oo ku taalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay in muddo ah taallay.

Waxaa loo sameyn jiray jimicsi, si aysan murqaheeda ugu qallalin dhaqdhaqaaq la’aan awgeed.

Sannadkii 2017-kii ayey hay’ad dowladda Imaaraadka ka tirsan u suurta galisay in Muniira daweyn loogu qaado dalka Jarmalka.

Halkaas ayaa loogu sameeyay tiro qalliinno ah, si loo saxo murqaha gacmaheeda iyo lugaheeda ee gaabtay.

Waxaa sidoo kale la siinayay dawooyin lagu hormarinayo xaaladdeeda caafimaad.

Murankii isbitaalka

Hal sano ka dib, wiilkeeda ayaa muran iyo buuq la galay dad ku jiray qolkii ay isbitaalka ka jiiftay, arrintaas ayaana wax ka baddashay xaaladdeeda.

“Waxaa jirtay isfaham darro ka dhacday qolkii isbitaalka, iyaduna waxay dareentay inaan halis ku jiray, taasina waxay sababtay inay naxdo”, ayuu yidhi Cumar.

“Waxaa kasoo baxayay cod layaab leh anigana waxaan u yeerayay dhakhaatiirta si ay xaaladdeeda u eegaan, laakiin waxay ii sheegeen in wax walba ay caadi yihiin”.

“Saddex maalmood kadib, waxaan hurdada uga kacay codka qof magaceyga iigu yeeraya. Qofkaasna wuxuu ahaa hooyadeey! waxay iigu yeereysay magaceyga, aad baan u farxay, muddo sannado badan ah arrinta noocaas ah waan ku riyoon jiray, magaceyguna wuxuu ahaa eraygii koowaad ee afkeeda kasoo baxa”.

Xaaladdeeda way sii fiicnaatay, xanuunka ayey dareemeysay, xoogaana way hadli kartay.

Waxaa lagu celiyay magaalada Abu Dhabi, halkaasoo jimicsi loogu sameynayo hadda.

Xaaladda Muniira waa dhif iyo nadir

Waxaa dunida soo maray dhowr kiis oo kaliya, oo la mid ah kan Muniira.

Waa dhif iyo naadir in qof sannado Koomo ku jiray uu dib u soo kaco, noloshana lasoo qabsado.

Mararka qaar suurtagal ma aha in qof xaaladdaas oo kale galay uu miyir soo yeesho, sida ay sheegtay xarunta qaran ee caafimaadka UK.

Ciyaaryahankii hore ee tartanka Formula 1 horyaalka u ahaa, Michael SchumacherCiyaaryahankii hore ee tartanka Formula 1 horyaalka u ahaa, Michael Schumacher

Ciyaaryahankii hore ee tartanka Formula 1 horyaalka u ahaa, Michael Schumacher ayuu dhaawac halis ah maskaxda ka gaaray sannadkii 2013-kii, xilli uu ku sugnaa dalka Faransiiska.

Waxuxuu Koomo ku jiray 6 bilood, ka hor inta aan loo gudbinin gurigiisa ku yaalla dalka Switzerland, halkaasoo daaweynta ay ugu socoto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker