Maxaa ka hortaagan Mareykanka inuu aqoonsado Somaliland ?

Wefdi heer sare ah oo uu hogaaminayo madaxwaynaha jamhuuriyadda  Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa booqasho ku jooga dalka Mareykanka.

Wefdiga ayaa waxaa inti ay Washington ku sugnaayeen kulan la yeesheen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka, islamarkaana waxa ay ugu baqayen madaxda Mareykanka in Somaliland la aqoonsado.

Maamulka Biden ayaa si cad u sheegay in aysan qorshaha ugu jirin in ay aqoonsadaan madax-banaanida Somaliland.

Hase yeeshee kulamadii ay ku yeesheen Capitol Hill, xubna ka socday kongreska Mareykanka iyo madaxda Somaliland ayaa waxay muujiyeen inay doonayaan in Maraykanku uu sii qoto dheereeyo xiriir ula yeesho Somaliland.

Madaxda Mareykanka ayaa la dhacsan xasiloonida Somaliland islamarkaana waxa ay doonayaan Mareykanka in ay is hortaagaan saamaynta sii kordheysa ee Shiinaha ku yeelanayo guud ahaan Bariga Afrika.

Maxay yihiin sababaha aanay Mareykanka u aqoonsan karin Somaliland?

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa intii uu madaxwayne Biixi ku sugnaa Washinton waxay si cad u sheegeen in ay Somaliland ay u aqoonsan yihiin qeyb ka mid Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska The Foreign Policy, saraakiisha Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in aqoonsiga Somaliland uu uu sababi karo in uu xumaado xiriirka Mareykanka uu la leeyahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo Mareykanka kala shaqeeya la dagaalanka argagixisada in kasta oo ay ka taliyaan qeybo yar oo ka mid ah dalka.

Maraeykanka ayaa sido kale ka cabsi qaba in haddii uu Somaliland uu aqoonsado ay taasi horseedi karto in gobolada kale ee Afrika ee gobannima doonka ah ay iyaguna fursad u arkaan islamarkaana ay sii la laba-laabaan halgankooda.

Waxa kale oo ay ku doodayaan in aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland uu dhaawac weyn u geysan karo xiriirka Washington iyo saaxiibada kale ee qaaradda iyo Midowga Afrika, oo aan aqoonsanayn Somaliland.

“Waxay ku hawlan yihiin inay ka talaabsadaan Midowga Afrika iyo gobolka ay ka soo jeedaan iyagoo isku dayaya in Washington ay siiso waxa aanay ka heli karin gudaha”, waxaa sidaasi wargeyska The Foreign Policy u sheegay Dublamaasi hore oo Maraykan ah, khabiir-na ku ah arrimaha Bariga Afrika.

Balse sida uu wargeysku qoray qadiyadda madaxbanaanida Somaliland waxay noqon kartaa mid dad badan soo jiidata sanadaha soo socda.

Xasilooni la’aan iyo qalalaase baahsan ayaa ruxay dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, Itoobiya ayaa wali wadda dagaal khasaare badan dhaliyay oo ay kula jirto jabhaddaTigreega.

Balse Somaliland, ayay khubarada sheegeen, inay arrintan si weyn uga duwan tahay, isla markaana ay tahay mid xasiloon oo ammaan ah iyada oo ay ka dhacaan doorashooyiin.

Kevin Roberts, oo ah madaxa machadka Heritage Foundation, oo ah xaruntiii casuuntay wefdiga madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in Maraykanku “ay ku hanweyn yihiin inay noqdaan dawladdii ugu horreysay ee Somaliland u aqoonsata dal madax-bannaan”.

Balse Maamulka madaxweyne Biden ayaa haseyeeshee muujiyay inay diyaar u yihiin in ay somaliland kala shaqeeyaan arrimaha qaar.

Xigasho @ BBC Somali

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker