Ethiopia iyo Gudiga Qiimeynta DP World waxaanu ugu Baaqeynaa Lughaya ayaa 123 KM uga dhow Jigjiga iyo Diridhaba Berbera !! By: Dr.Khadar-Libaaxley.

Majirto Somaliland, Djabuuti iyo Somalia Xeeb Somaali leedahay oo uga Dhow Biyaha Awdal Ethiopia iyo rabitaankeeda, hadii cadaalada iyo xeebta ugu mudan aaney Go’aanka iyo Tallada Hargaisa taallaa ka Xaglineynin.
Ixtiraam weyn ayaan u hayaa Hishiisyada Somaliland iyo Shirkada DP World ay wada galeen nooc ay yihiin ba ee ku aadanaa Maal-gashiga Dekada Berbera, waxase aan Dareemayaa , arkayaa in Hishiiskaasi il-duuf iyo ku dhisanyahay hab cadaalad daro weyn ah marka loo eego XEEBTA UGU MUDAN ee waliba HABOON dhanka istiraatijiyada iyo dhawaanshaha Ethiopia Magaalooyinkeeda Waaweyn ee ay ka mid yihiin Jigjiga iyo Diri-dhaba iyo waliba Addis-ababa ; arinkani waa tallo ganacsi iyo Maal-gashi , Ganacsigu sidiisaba waxa uu ku faa’idaa nabadgalyo ahaan GOOBTA UGU DHOW EE KAAFIN KARTA BAAHIDA ADEEGA LA RABO.

NM Gobolada Awdal iyo Saaxil waa xeebaha ugu dhaw Ethiopia dhanka Somaliland .
Xuduuda labada dal ee Somaliland iyo badka ay u jiraan biyaha bada.
1. Berbera illaa Jigjiga

317.4 km
2. Lughaya illaa Borama illaa Jigjiga ( Borama xadka ayey ku taalaa )

194 km
3. Xariirad illaa Zaila corridor 85 km
4. Geestiir illaa Zaila corridor 60 km

Gabogabo iyo Gunaanad:

Ka dhalinyaro ahaan waxa aanu ku war-galineynaa Dawlada faderaalka Ethiopia iyo Shirkada DP World gaar ahaan Gudiga farsamo ee wada qiimeynta iyo hubinta istiraatijiyada meelaha ku haboon Maal-galinta iyo Dhigida badeecooyinka ganacsi in aaney jirin Somaliland, Djabuuti iyo Somalia Xeeb Somaali leedahay oo uga Dhow Biyaha Awdal Ethiopia iyo Magaalooyinkeeda waaweyn, Waxa aanu baahiweyn u qabnaa in aanu dareeno Cadaalad Maal-galineed ee Shirkada DP World marka ay noqoto Maal-galinta Dekadaha iyo Xeebaha taasi oo aan Deeq aheyn balse ah Mid ay ku jirto Danta iyo Macaashka Shirkada Sidoo kale .
Dhalinyarada Awdal waxa ay ka codsanayaan Ethiopia iyo Shirkada DP World ee xeebaha Maal-galisa in Xeebaha Awdal noqdaan Dekadaha iyo Marinka ugu weyn ee Geeska Afrika Maadaama oo ay Ethiopia isticmaali jirtay Dekada Zaila Qarniyadii 10 aad illaa dhamaadkii Qarnigii 18 aad, sidaa daraadeedna Xaq iyo Xasuuso gaara oo taariikhdu Qortay ay isku leeyihiin Ethiopia iyo Xeebta Awdal.
Ugu dambeyn DP World waan ku dhiiri galinayaa in ay dedejiso fuliso hishiiskii ay horey Somaliland ula gashey ee Dekada Berbera sidii uu ahaa ; Xeebta Awdal na noqota tallaabada labaad iyo Dekada ugu Weyn ee Masiiriga ah geeska afrika maadaama Xeebta Awdal ay ka mudantahay Berbera isla markaana uga dhawdahahay Ethiopia; Dhawaanshaha macnihiisu waxa uu yahay Bad-baadin iyo kaydin Dhaqaale iyo Wakhti joogta ah oo lagu bixin la haa meel laga mudanyahay. ( Ever long lasting saving money and time for investment to the right sea ports).

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts
Ahna isbedel Doonka Siyaasada Dalka

4/22/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker