Sucuudiga Oo Lagu Eedeeyay Xad-gudub Xuquuqda Aadamaha Ah. November 25, 2019

Saudi Arabia ayaa lagu eedeeyay xadgudub dhinaca xuqquda aadamaha ah, sida ay sheegtay koox u dooda xuquuqda dadka reer Sucuudi oo magaceeda loo soo gaabiyo ALQST, taas oo fadhigeedu yahay London, waxana ay sheegtay in dhawaan ay ciidamo dhar cad ah xidheen sideed qof, oo u badan waxgarad iyo qoraayo, kuwaas oo laga xidhxidhay guryahooda oo ku caasimada Riyad iyo magaalada dekeda ah eeJeddah usbuucii lasoo dhaafay.

Kooxdan xuquuqul insaanka Ah ayaa ku sheegtay magacyada dadka la xidhxidhay Bader Al-Rashed, Sulaiman Al-Saikhan Al-Nasser, Waad Al-Mohaya, Musab Fouad Al-Abdulkarim, Abdul Majid al-Balawi, Abdulaziz Alehis, Abdulrahman bishii iyo Fouad Al- Farhan, kuwaas oo kala ahaa suxufiyiin, qoraayo iyo halabuuro dhinaca ganacsiga ah.

Dowladda Sacuudiga ayaan ilaa hada ka jawaabin eedahan u dambeeyay, waxana ay Xukuumada Riyadh hore u beenisay inay jiraan xadhig loo gaystay maxaabiis siyaasadeed. Balse saraakiisha amniga Sucuudiga ayaa sheegay in la socodka dhaqdhaqaaqa kooxaha xuquuqda u dooda looga dan leeyahay in la xadido si xasiloonida bulshada loo sugo.

Dadkan u dambeeyay ee Sucuudiga lagu xidhxidhay ayaan ahayn kuwo safka hore ee kooxaha xuquuqda ka muuqda, waxana ay ilowareedku sheegayaan in qaarkood ay aqoonyahanno daabacay maqaallo ama ka soo muuqday telefishanka halka kuwo kalena ay yihiin ganacsato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker