Kenya oo Xusul duub ugu Jirta in Alshabaab lagu daro Liiska Ururada Argagixisada

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya ayaa dooneysa iney ka shaqeyso qorshe liiska waxa loogu yeedho  Argagixisada ee Qaramada Midoobay loogu darayo kooxda Al-Shabaab.

 

Ee ku xoogan Soomaaliya, taasi oo halis weyn ku noqon karta shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kenya ayaa sidaas baahiyay iyadoo maanta ay dowladda Kenya u bilaabaneyso mudada labada sano ah oo ay ku fadhineyso kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ku mataleyso bariga Afrika.

 

 

Kenya waxey dooneysaa in Al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada, waxaana ujeedka guud yahay iney la dagaalanka kooxdaan ay u adeegsato qorshayaal kale oo badan oo ka dhan ah Soomaaliya.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda tallaabada Kenya, waxaana sababta ay tahay ayada oo la rumeysan yahay in Kenya ay arrintan u adeegsan karto inay ku beegsato shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya, oo ay ku dari karto liiskaas, taasi oo halis ah.

 

 

Madaxweynaha Kenya ayaa Qorshaynaya in damacooda ku aadan arinkan ay hor dhigaan Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedkooda ay ku matalayaan kursigaas geeska Afrika.

 

Kenya waxey kursigan kaga guuleysatay Jabuuti, waxeyna Geeska Afrika matali doontaa Sanadaha 2021 iyo 2022, .

 

Balse  soo  jeedin walba oo dhankeeda ka timaada waxey u baahan tahay in loo bandhigo dalalka shanta ah ee joogtada ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.

 

Si kastaba Kenya waxey dhibaato badan ku qabaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida maadaama ay weeraro ka fuliyaan gudaha wadankeeda, waxaana dhacda iney mararka qaar afduub ka sameeyaan. Gudaha dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker