Madaxweyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Dalka Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Uganda oo ka mid ah dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehliya safarkiisa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil Ciidan, iyadoo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku sii dhaweeyeen Madaxweynaha xubno ka tirsan Dowladda.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay dalka Uganda uga qeyb galayaan shir ay isugu imaanayaan qaar ka tirsan Madaxda dalalka Afrika.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona laba cisho, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker