Washington Post Oo Ka Warantay Lacago iyo Guryo Boqortooyada Sacuudigu Siisay Qoyska Jamal Khashoggi
Jariiradii uu u shaqeyn jiray Jamal Khashoggi ee Washington Post ayaa shaacisay in qoyska uu ka dhintay suxufigaasi lagu wareejiyey lacago malaayiin dollar ah oo ay bixisay dowlada Sacuudiga. Jamal Khashoggi oo bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kamid ahaa ragga sida weyn u dhaliila siyaasada Dhaxal-sugaha Boqortooyadaasi Maxamed Bin Salmaan oo la rumeysan yahay inuu lahaa amarka lagu dilay suxufigaasi.
Xogta la shaaciyey ayaa sheegaysa in labada wiil iyo labada gabdhood oo uu dhalay Jamal Khashoggi la siiyey guri Qasri ah, isla markaana bil walba loo qoray lacago boqolaal kun oo dollar ah oo ay bixineyso dowlada Sacuudiga.
Waxaa la filayaa in qoyskaasi hanti dheeraad ah lasiiyo xiliga lasoo geba-gabeeyo maxkamadeynta raggii fuliyey dilkaasi oo hada ku xiran dalka Sacuudiga, walow shaki weyn laga qabo in maxkamadaasi si cadaalad ah u dhici doonto.
Dhaqaalaha lagu wareejiyey qoyska ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay magta ay bixisay Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana looga codsaday qoyska suxufiga inaysan ka hadal kiiska dilka aabahood.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Sacuudiga oo xogtan siiyey Jariirada Washington Post ayaa sheegay in 4ta caruur oo uu dhalay Jamal Khashoggi midkiiba lasiiyey qasri ku kacaya in ka badan $3 milyan oo dollar, guryahan ayaa ku yaal magaalada Jeddah, walow sadex kamid ah caruurtan ay horey u sheegay inaysan dooneyn inay ku noolaadaan dalka Sacuudiga.

Balse wiilka curadka ah ee uu dhalay Jamal oo lagu magacaabo Salax ayaa weli ku sugan gudaha Sacuudiga wuxuuna ka shaqeeyaa Bangi, ninkan ayaa la sheegay inuu yahay xubinta qoyska u qaabilsan gorgortanka lagula jiray Boqortooyada Sacuudiga.
Kiiska dilka oo maxkamadeyntiisa ay weli socoto ayaa waxa hada u xiran 21 qof, waxayna xeer illaalinta Sacuudiga dalbatay in 5 kamid ah dil lagu xukumo.




