Hanti Dhoowraha Qaranku Ma Yahay Shaqsi Tuugo Ka Nadiifa ??????? !!!!!!.

Tan Iyo Intuu Uu Xilka Madaxwayne Ku Guulaystay Mudane Muuse Biixi Cabdi 13/11/2017, Golihiisa Wasiiradda, Agaasimayaasha Guud, Badhasaabyadda, Maareeyayaasha, Hanti Dhoowraha Qaranka Waxay Ku Qaadatay Muddo Shan Bilood Ah Oo Uu La Rafanayey 14.12.2017 ILaa April 2018, Dhismaha Xukuumadiisa Oo Uu Dhinac Ka Raray Ama Uu Qaaday Wadadii Adeerkii Marxuum Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Xukuumaddii Madaxwayne Cigaal Waxay Ahayd Xukuumad Beesha Habar Awal Ama Xukuumad Awaliya Oo Saamiga Ay Haysteen Uu Ahaa 75%, Beelaha Kale Ee Somalilandna Ay Haysteen 25%, Balse Cadaalad Xumaddii Uu Kula Yaabayey Muuse Biixi Cabdi Adeerkii Cigaal Isagaa Baro Dheeraaday, Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Dhisay Xukuumad Habar Awala Ama Xukuumad Awaliya 85%, Weliba Waxaa U Sii Dheer Inuu Ku Taamayo Saraakiisha Ciidamadda Kala Duwan 95% Inay Beesha Habar Awal Noqdaan, Deeqaha Waxbarasho Ee Ciidamadda Dibadda Loogu Dirayo 90% Inay Beesha Habar Awal Noqdaan, Deeqaha Waxbarasho Ee Ardayda Dibadda Loogu Dirayo 90% Inay Beesha Habar Awal Noqdaan!!!!!!!!!!!!,

Yadoo Cadaalad Xumadda Saami Qaybsi Ee Xukuumadda Muuse Biixi Ay Ka Qaylinayaan Beelaha Somaliland Weliba Ay Aad Uga Sii Qaylinayaan Beelaha Habar Jeclo Ee Ay Isku Xulafada Ama Isku Jeegaanta Ahaayeen, Waxaa Weliba Ka Sii Daran Tayo Xumada Xukuumaddiisa Oo Dad Miisaan Lihi
Aanay Ku Jirin, Waxaa Kaba Sii Daran Maareeyihii Hore Ee Dekedda Berbera Mudane Axmad Yuusuf Dirir Uu Ka Dhigay Hanti Dhoowraha Qaranka Somaliland Waa Yaabka Yaabkii !!!!!!!!!, Gobolka Togdheer Wakhtiyaddii Reer Miyigu Geela Kala Dhici Jireen Waxaa Saaxiib Ahaa Laba Tuug Oo Midna Habar Jeclo Yahay Midna Dhulbahante, Labadan Tuug Way Xarfaan Ama Xariifiin Ku
Yihiin Sida Geelasha Loo Dhaco, Waxayna Dhici Jireen Geel Aan Dhiig Ku Daadan, Balse Wadamadda Milaterigu Ka Taliyaan Waxaynu
Maqalnaa Inqilaab Aan Dhiig Ku Daadan!!!!!!.

Tuuga Habar Jeclo Wuxuu Qaabilsanaa Inuu
Geelasha Soo Dhaco, Tuuga Dhulbahante Wuxuu Qaabilsanaa Inuu Dhaar Beena Ku Furfurto Saaxiibkiisa Geelasha Soo Dhacaya Oo Marka La Qabsado Uu Dhaar Ku Maro Inaanu Geel Soo Xadin, Iminka Waxaa Ka Dhigan Madaxwayne Muuse Biixi Oo Tuugii Ugu Waynaa Ee Maareeyihii Hore Ee Dekedda Berbera  Axmad Yuusuf Dirir Uu Ka Dhigay Hanti Dhoowraha Qaranka, Dirir Wakhtigii Uu Maareeyaha Ahaa Wuxuu Lunsaday Oo Uu Si Badheedha U Dhacay Shan Milyan Oo Dollar Oo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo Uu Yidhi Taag Casriya Dekedda U Soo iibi, Shantii Milyan Ee Dollar Wuxuu Kala Badh U Geeyey Muuse Biixi Cabdi Oo Uu Ku Yidhi Inagaa Isku Habar Awale Ahee Waxba Inagama Gelin Xukuumadda Habar Jeclo Ee Wakhtigeedii
Gabaabsiga Yahay, Madaxwayne Biixi Mar Haddii Uu Tuug Ka Dhigtay Hanti Dhoowraha Qaranka Somaliland Waxaa Halkaas Kaaga Cad Inuu Madaxwayne Muuse Biixi Uu U Badheedhay Inuu Wadanka Boobo Oo Uu Noqdo Taajirka Koowaad Ee Qaarada Afrika,
Xukuumaddii Madaxwayne Axmed-Siilaanyo Shir Xisbiga Wadani Uu Ku Qabsaday Hotel Maansoor Waxaa Shirkaas Ka Hadlay Xildhibaan Ka Soo Jeeda Gobolka Sanaag Oo
Ay Isku Beel Yihiin Madaxwayne Siilaanyo,

Xildhibaankaas Oo La Yidhaahdo Rayte:-
Wuxuu Yidhi Qoladayada Habar Jeclo Intii Aanu Axmed-Siilaanyo Madaxwayne Noqon Waxaanu Lahayn Sadex Taajir Oo Kala Ah Dahabshiil, Deero Group Iyo Al Harbi, Intii Uu Axmed-Siilaanyo Madaxwaynaha Noqdayna Waxaanu Yeelanay 12 Milyaneer, Inkastoo Xildhibaanku Aanu Waxba Ka Sheegin Beesha Habar Awal Oo Ahayd Beesha Ugu Boobka Badnayd 90%, Haddii Ay Noqoto Wasiiradooda, Agaasimayaashooda, Taliyayaashooda, Badhasaabyadooda, Maayaradooda, Agaasime Waaxeedyadooda, Tobanka Qof Ee Qandaraasyada Loo Xidho Habar Awal Ayey Ahaayeen, Waxaa Kaloo
U Sii Dheeraa Sanduuqa Horumarinta Somaliland Oo Wakhtigaas Shacabwaynaha Somaliland Ay U Bixiyeen Sanduuqa Horumarinta Habar Awal, Sanduuqaasi Dhaqaalaha Beesha Caalamku Ku Soo
Shubaan Waxaa Loo Leexin Jiray 100%
Beesha Habar Awal Oo Qofkasta Oo Beesha Ah Waxaa Meherad Loogu Furi Jiray Ugu Yaraan $ 50,000 , Konton Kun Oo Dollar , Meheradaha Faraha Badan Ee Laga Furay Degmooyinka Hargaysa Gaar Ahaan Degmadda Gacan Libaax, Degmadda 26 June
Degmadda Ibraahim Koodbuur,
Xukuumaddii Hore  Ee Madaxwayne
Axmed-Siilaanyo Beesha Habar Awal Waxay Yeelatay 350 Milyaneer,

Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixina Waxay Beesha Habar Awal Yeelanaysaa 3000 Milyaneer, Sababtoo Ah Wuxuu Hanti Dhoowraha Qaranka Ka Dhigtay Tuugii Lunsaday Shan Milyan Ee Dollar, Odhadka La Gelin Maayo Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Beesha Habar Awal, Waxaa Odhadka La Gelinayaa Masuuliyiinta Beelaha Kale Ee Somaliland, Madaxwayne Biixi Isaga Laftigiisa Waxaa Ku Maqan Hantidii Qaranka Wakhtigii Uu Xukuumaddii Cigaal Ka Ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Waxaana Ku Maqan 20 Guri Oo Waawayn Oo Gurigiiba Ugu Yaraan Yahay 300 Mitir, Beertii Janaraal Cusmaan Dacas Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Dhul Badan Oo Ay Isku Haystaan Beeshiisa Sacad Muuse Waana Halka Uu Doonayo Inuu Madaxtooyadda U Raro, Wakhtigii Uu Madaxwaynaha Ahaa Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee Waxaa Hargaysa Caan Ka Ahaa Oday Tuuga Oo La Odhan Jiray Caga Wayne Oo Dhintay Oo Ay Is Xigaan Muuse Biixi,

Odaygaasi Dadka Jagooyinkooda ,
Jagooyinka Beelaha Daarood, Samaroon, Gabooye Leeyihiin Iyo Jagooyinka Beelaha Isaaqu Leeyihiin Qasab Ayuu Ku Qabsan Jiray, Qayladiisii Ayaa Madaxtooyadda Gaadhay, Madaxwayne Cigaal Ayaa Yidhi Ninkaas Caga Wayne Ha Laygu Yeedho, Waa Loogu Yeedhay Waxaa La Yidhi Bal Noo Sheeg Dhulkaad Sheeganaysid Wuxuu Yidhi Waxaan Sheeganayaa Laga Bilaabo Galbeedka Madaxtooyadda ILaa Kaantaroolka Galbeedka ILaa Xaabta Waqooyi, Cigaal Ayaa Yaabay Oo Ku Yidhi Mulkiyad Ma Sidataa Wuxuu Ugu Jawaabay Mulkiyad Ma Sito, Balse Hargaysa Raggii Xoreeyey Ayaan Ahay Mulkiyadayduna
Waa Qorigii Aan Hargaysa Ku Xoreeyey, Cigaal
Wuxuu Yidhi Dhulkaas Aad Sheegaysid Aan
Kuu Sharci Gareeyee Waxaad Samaysaa Labaatan Daqiiqo  Waa Inaad Lug Ku Tagtid, Lugna Kaga Soo Noqotid Weliba Gaadhi Ku Barbar Socda Ayaan Ku Raacinayaa, Ninkii Caga Wayne Ayaa Yidhi Madaxwayne Sidee Bay Caqliga U Gelaysaa Dhul Aad U Kala Fog Oo Sadex Habeen Iyo Sadex Maalmood Loo Kala Lugaynayo, Madaxwayne Cigaal Wuxuu Yidhi Sidee Bay Caqliga U Gelaysaa Dhul Aanad Lahayn Ayaan Iska Sheeganayaa Ama Xoog Ku Qabsanayaa.

Mudane Madaxwayne Haddii Aad Wadanka Ka Damqanaysid, Oo Aad Leedahay Waxaan La Dagaalamayaa Musuq Maasuqa Waxaad Hanti Dhoowraha Qaranka U Magacaabi Lahayn Shaqsi Ka Nadiifa Tuugo, Qabyaalad, Oo Weliba Aad Tidhaahdid Madaxwaynaha Ka Biloow Odhadka Oo Hantida Kugu Maqana Markay Si Daacada U Soo Tiro Koobaan, Hantidaasi Ay Noqoto Hanti Qaranka Dib Loogu Soo Celiyey, Balse Tuug Ayaa Hanti Dhoowre Qaran ii Ahaa Waa Inuu Iga War Wareego Masuuliyiinta Beesha Habar Awalna Uu Ka Warwareego, Masuuliyiinta Beelaha Kalena Aynu Shaqo Uga Dhigno.

Hanti Dhoowraha Qaranku Baadhitaankii Uu Geliyey Wasaaradda Warfaafinta Inamaddii Hawsha Baadhitaanka Qaabilsanaa Waxay Warbixin Sax Ah U Gudbiyeen Hanti Dhoowraha Qaranka, Warbixintuna Waxay Ahayd Sidan:-
1. Wasiirka Warfaafinta CabdulRaxmaan Cabdullaahi Guri Barwaqo Musuq Maasuqa Wuxuu Ka Galay Kaalinta 55%.
2. Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Cusmaan Xuseen Warsame Musuq Maasuqa Wuxuu Ka Galay Kaalinta 27%.
3. Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Muxammad Xasan Maxamuud Musuq Maasuqa Wuxuu Ka Galay Kaalinta 18%.

Haddana Nidaamka Foosha Xun Ee Xukuumadda Muuse Biixi Markii Loo Gudbiyey Sadexdaas Masuul Wuxuu Dib Ugu Celiyey Hanti Dhoowraha Qaranka Oo Uu Yidhi Masuul Ka Soo Jeeda Beesha Habar Awal Oo
Musuq Maasuqu Soo Galo Waa Inaadaan Marka Hore ii Soo Gudbin Oo Aad Liiska Ka Saartid, Liiskii Musuq Maasuqa Ahaa Sidaas Ayuu Madaxwayne Muuse Biixi Uga Reebay Wasiirkii Ugu Tuugsanaa Ee Guri Barwaaqo.

 

sulaiman salah ibrahim

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker