Iraan Qawada Islaamka Nool Qore Khadar Ibrahim

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Markii uu guulaystay Iftiinki kacaanka islaamiga ahaa ee Iraan sanadkii 1979kii qarnigii labatanaad, markii murshidku Ruuxu Laahi Khumayni uu ka guulaystay Shaahii dabo dhilifka u ahaa reer galbeedka ee dalka Iraan ka dhigay goob dulmi & qahri & faqri, Shaahii boqorkii iraan ka talin jiray ka hor kacaanka barakaysan ee islaamiga ah waxa uu ahaa nidaamkii ugu horeeyey oo xiriir dublamaasiya la yeeshay dowladda Israel waxa uu ahaa talis calooshii u shaqaysta ah oo fuliya qorshayaasa ay dunida islaamka ay la damacsan yihin reer galbeedku, marabo in aan wax badan ka dhaho shirqooladii ay u dhigeen shaaha iyo reer galbeedku dunida islamka iyo qaabkii raqiiska ahaa uu uga iibinjiray shaahu shidaalka oo ah badeecada istaratijiga ah ay haysato ummada islamku reer galbeedka,kacaanka barakaysan ee uu hogaaminayey waagaas Aayutullahi Khumayni waxa uu ka guulaystay taliskii kaligi talisnimadda iyo dabo dhilifnimada ku noolaa 1979kii markaas oo ay ka argagaxeen reer galbeedku waxa ay dhaheen islaam! .

Kacaankani waxa uu naxasuusin nebi maxamed(s.c.w)iyo Cali(R.C)! Reer galbeedku waxa ay dhaheen waa in la damiyo Ifkan Islaanka ah, markaana waxa ay dhabarka ka soo taabteen oodi Sadaam, maxaana ka badan !!! dadka u shaqeeya dowladaha u qooqay in iftinkan ka dilaacay iraan in la damiyo,waxa ay dhaheen sadaamow dami ifkan anagana(reer galbeed) kula jirna laakiin kacaanka islamiga ah wu ka guulaystay sadaam & carabtii & reer galbeed waxana uu dagaalkii 8da sanno u dhaxeyay IRAAN iyo CIRAAQ KU GUULAYSATAY (IRAAN).

Kadib dagaalka dulmiga ahaa ee lagu qaaday iraan ayay dawaladihii isku raacay dulmigaas in iyagoo laftooda is wada cuno, in yar ka dib CIRAAQ iyo KHALIJKA dagaal is la wada galay 1990 KUWAIT!. IRAAN hawlahiidi ayay wadatay oo bilawday in ay is dhisto dhaqaale ahaan,awood ciidan ahaan,qowad laga baqo ay ka dhex noqoto aduunka, maadama ay dawladihii islaamka ay wada dulaysan yihiin.

Waxay dorba bilawday barnamijkiidi nuclearka ,chemistary ahaana waxa uu kacaanku ku biiray dowladaha nuclearka lehdhinaca samaynta wax soosaarka militerigana waxa uu ka horeeyaa kacanku dowladaha islamka oo dhan,iyadoo aanu daawanaynay bilo ka hor sida doblumaasiyadda IRAAN kaga guulaysatay dawaladihii USA-UK ee kaga soo horjaysana barnamijka IRAAN.dhinaca dhaqalahana waxa uu kacaanku dadka iran gaarsiyey isku filaansho,iyada oo ay reer galbeedku ku hayaan cunaqabateendulmi iyo cawodtinimo ah, dhanka diblomaasiyadana waxa uu kacaanku kula jiraa reer galbeedka wada xaajoodyo maskaxaysan marka waxba ka dhihimayo wada xaajoodkaas,kacankan barakaysan waxa aan ka hadalkiisa uga dan lahaa qaab is xukunka dalkaa ka jira oo waxa la is wafajiyey nidamka dimuqraadiga ah iyo diinta islamka waxa dadka iraan ka dhacay 9 doorasho oo lagu doortay 9 madaxwayne tii ugu damaysayna waxa lagu doortay madaxwayne Rooxaani.Cadawga IRAAN iyo kacdoonkooda barekaysan waxay isticmaalan been ,oo ay mar walba IRAAN ku guulaysata dagaal walba logu soo qaado, siyaasadda IRAAN eek u salaysan SUURIYA ,YEMAN,CIRAAQ waxay la macaamisha si siyaasiyadeed oo ay ila haatan guul la taagan tahay, xagu sacuudiga iyo qadar iyo turkigu ay guuldaro meel walba la marayaan.

Runti IRAAN wa dalka kaliya manta ee ilaaliya karaamada islaamka oo dalalka aduunku kala wada xajoodaan mashaakilka ka taagan dalalka carbeed iyo afrika.

Qore khadar Ibrahim
Khadar338@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker